Wasaradaha Dastuurka heer Federaal iyo Puntland oo Garoowe tababar ku qabtay

Tababar  si wadajir ah u wadaqabanayaan Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Puntland ayaa maanta lagu qabtay caasimadda Garoowe , Tababarkan  oo la xiriira waxbarashada madaniga ah iyo dastuurka.

Tababarkan oo socon doona muddo labo maalmood ah, waxaa ka qaybgalaya xubno ka socday , masuuliyiinta labada wasaaradood,madaxda Bulshada Rayidka ah ,Haweenka,Dhalinyarada,Ardayda Jmaacadaha,Aqoonyahano ,lataliyaal iyo Marti sharaf kale.

Ku-simaha Agaasimaha Wasaarada arrimaha dastuurka Yuusuf Ibraahim Saalax oo sharaxaad ka bixiyay ujeedada tababarka loo qabtay, wuxuu sheegay in tababarkan  tababarayaasha looga dan leeyahay  sidii bulshada Puntland lagu gaarsiin lahaa wacyigelinta waxbarashadda Madaniga,iyadoo loo tababaray dad aqoon durugsan u leh shuruucda iyo dastuurada Puntland & kan Soomaaliya.

Kulanka waxaa uu si rasmi ah uu furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee DFS Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr isagoo uga mahadceliyay Bulshada Rayidka Puntland sida baaxadda leh ee ay tababarka uga soo qeybgaleen, wuxuuna sheegay in  tababarka looga gonleeyahay in lagu daadejiyo dib-u-eegista Dastuurka, dhamaan qaybaha bulshada oo ka soo qaybgalay tababarka maanta ayuu kula  dardaarmay inay tababarka sii gaarsiiyaan dhamaan deegaanada.

Dhinaca kale, waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Dallada ay ku mideysanyihiin Bulshada Rayidka Puntland ee PUNSAA, waxayna si wadajir ah u ballanqaadeen in tababarkan ay gaarsiin doonaan dhamaan deegaanada Puntland.

Tababarkan ayaa mid noociisa waxa Wasaaradda horay ugu soo qabatay qaar kamid ah magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, waana mid dadka Soomaaliyeed loogu diyaarinayo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka, sidoo kale, Tababarkn mid la mid ah ayaa loo qaban doono shaqaalaha iyo howlwadeenadda dowladda Puntland,kaasi oo bilaaban maalinta Talaadada oo ku beegan 26 bishan June 2018ka.

Halkaan ka eeg sawirada.

PUNTLAND POST