Somaliland oo lagu eedeeyay ka been abuurka gabdho isku dilay Garoowe.

Odoyaal iyo waalidiin kasoo jeeda Gobolka Sool oo heyb qoys la wadaaga labo gabdhood oo maalmo ka hor gacan ka hadal ku dhexmarey magaalada Garoowe ayaa shir saxaafadeed ay ku qabteen magaalada Laascaano waxay ku beeniyeen war kasoo yeeray masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland oo ku eedeeyay Puntland dhaawac mindi/toori oo loo geystey Gabadh lagu magacaabo Canab Cali Xaaji Aadan oo iminka lagu daaweynayo Hospital ku yaala magaalada Hargeysa.

Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan oo kasoo dhex muuqday Odoyaasha la hadlay warbaahinta ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymo Somaliland u jeedisay maamulka Puntland, wuxuuna sheegay dhaawaca gabadhiisa Canab inay u geysatey Gabadh kale oo ay ehel wadaag yihiin ka dib dagaal labada gabdhood iskood u dhexmarey.

“Gabadheydu Garoowe ayay deganayd, waxayna isku dhaceen Gabdh kale oo ay xaafad ku wada jireen,ma ahayn dhacdadaasi wax maamulo iyo siyaasad kasoo jeeda, Sidaas darteed waxba kama jiraan waa been wararka ay buunbuuniyeen masuuliyiin xilal ka haya maamulka Somaliland”  Ayuu yiri Cali Xaaji Aadan oo ah Aabaha dhalay Canab Cali Xaaji Aadan.

Sidoo kale waxaa ka hadlay shir saxaafadeedka qaar ka mid ah waalidiinta gabadha nabarka u geysatey Canab Cali Xaaji Aadan oo iminka dhaawaceeda lagu dabiibayo isbitaal ku yaala Hargeysa, waxayna sheegeen in si ka duwan sidey wax u dhaceen uu uga warbixiyay maamulka Gobolka Sool ee Somaliland iyo masuuliyiin xilal sarre ka haya Somaliland,islamarkaana ay siyaasadeeyeen dhacdada hablo ood-wadaaga.

“Gabdhahaasi guri bey wada deganaayeen, Ilmo adeer bey ahaayeen, Caruur baa iska laysay oo wey isku yara xanaaqeen dhibaataduna sidaas bey u dhacdey, waxaasna hadda umaba aragno anagu wax dhacey-ba inay yihiin” Ayuu yiri Maxamed Xaaji Jaamac (Dayax) oo sheegay inuu Awoowe u yahay gabadha dhaawaca gaarsiisay Canab Cali Xaaji Aadan.

Dhinaca kale Odoyaal iyo waxgarad kasoo jeeda heybta gabdhaha gacan ka hadalku ku dhexmarey maalmo ka hor magaalada Garoowe ayaa eedeymo culus u jeediyay Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo Faysal Cali Waraabe Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ka dib markey ku eedeeyeen  qaab ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo Islaamka inay uga hadleen dhacdadii dhexmartey gabdhaha ehel wadaaga.

Isku soo wada duuboo hadalka Odoyaasha ayaa dhabar jab culus ku noqonaya hadalo kasoo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Somaliland iyo Masuuliyiin kale oo xilal ka haya maamulka Somaliland kuwaas oo u wajahay  dhacdadaas qaab been abuur ah oo aan habayaraatee waxba ka jirin sidey sheegeen waalidiinta dhalay Gabadha dhaawaca oo lagu daaweynayo Hospitaal ku yaala Hargeysa iyo Gabadha kale ee nabarka gaarsiisay oo iminka ku xiran Saldhiga Bartamaha ee Garoowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST