Garoowe:- Siyaasi Cabdi Qawdhan oo si adag u difaacay shirkadda Dahabshiil

Wasiir kuxigeenkii horre ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Cabdi Ibraahim Warsame oo maanta shir jaraa,iid ku qabtey hoyga uu ka degan yahay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay hawlgalka Puntland ugu magacdartey xoreynta Gobolka Sool iyo Dhaliil uu u jeediyay xubno ka tirsan baarlamanka Puntland oo u gafey shirkadda Dahabshiil.

Cabdi Qawdhan ayaa ku tilmaamay eedeyn uu dhawaan u jeediyay Shirkadda Dahabshiil Mudane ka tirsan Baarlamanka Puntland oo lagu magacaabo Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad hadalkiisu inuu la mid ahaa midkii Faysal Cali Waraabe uu u jeediyay Ardeyda reer Puntland ee dhigata Jaamacadda Boorame, Islamarkaana aanu wax u dhimi doonin sharafta iyo ganacsiga shirkaddu ku leedahay geyiga Soomaaliya.

Wuxuu ku dhiirigaliyay Madaxweynaha Puntland inuu dhagaha ka fureysto inta uu ku jiro hawlgalka dastuuriga turunturooyin uu sheegay inay uga imaanayaan dibadda, Isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka qeybqaataan ilaalinta iyo dhawrida midnimadda ummadda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii wuxuu ku amaanay shirkadda Dahabshiil inay tahay shirkadd waxtar badan u leh ummadda Soomaaliyeed islamarkaana xalaal ka ah arrimaha siyaasadda ee ka jira geyiga dalka Soomaaliya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST