Faahfaahin 3 wiil oo isla dhashay oo lagu dilayMuqdisho

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay dil aad looga naxay.

Dilkaasi ayaa ahaa in askari hubeysan oo ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya uu dil u geystay 3 nin oo isla dhashay.

Wiilasha la dilay ayaa ku sugnaa garaash ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Wiilasha la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Cabdullaahi Jeyte,Xasan Jeyte iyo Xuseen Jeyte.

Warar soo baxaya ayaa sheegayaan in ninka askariga ah ee dilka geystay uu qaraabo dhow la ahaauuna u ahaa adeer.

Qaraabada wiilasha la dilay oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in ay aad uga arga gaxeen dilkaasi wiilasha loo geeystay.

Askarigii dilka geeystay ayaa ka baxsaday goobta.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho