DFS oo faahfaahisay heshiiskii Dekadaha ee ay la gashay Itoobiya

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle oo wariyaasha shir jaraa’id ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahiyay heshiiskii dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya dhowaan ku gaareen Muqdisho.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa ugu horeyn sheegay in Ra’iisil wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed Ali uu Muqdisho ku yimid codsi kaga yimid Madaxweyne Farmaajo isaga oo sheegay in muhiim uu ahaa heshiiskii ay yeesheen.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Gelle ayaa ka hadlay heshiiskii ku saabsanaa Maalgashiga Dekadaha isaga oo sheegay in heshiiskaasi Itoobiya aanu siineynin in ay maalgashadaan Dekadaha hayeeshee ay fursad ka heli karaan Dowladaha Caalamka iyo Ururada caalamka si ay faa’iido uga helaan.

Sabtidii la soo dhaafay waxaa Magaalada Muqdisho yimid Ra’isilwasaaraha Dalka Itoobiya iyada ay heshiis wada gaareen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo waxaana xusid mudan in bulshada Soomaaliyeed ay si aad uga hadleen arintaasi qaar kamid ah Bulshada ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay in uu yahay damaca Itoobiya ay in badan ku taameysay oo hirgalay halka qaar kalena ay ku tilmaameen in ay tahay isku soo dhowaansho u dhaxeeya Dowladaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay horay uga dhaxeeysay xurguf.

Hoos ka dhageyso codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho