Dhacdada ugu wayn kubbada cagta adduunka oo bari furmaysa

Bari oo Khamiis ah indhaha mucaashaqiinta kubadda cagta adduunka ayaa u sii jeensan doona magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka oo si rasmi ah uga furmi doono koobka adduunka  ee sanadkan 2018.

Taratankan waxaa ka qeyb galaya 32 xul qaran oo kala socda Qaaradaha adduunka, 31 xul qaran waxay u soo gubteen tartankan, halka Ruushkuna uu yahay marti galiyaha, xaflada daah furka ayaa haddaba si wayn looga dareemayaa Moscow waxaana lagu furi doonaa xulalka Ruushka iyo Sucuudiga.

Xulalka ayaa loo qeybiyay siddeed kooxeyn oo midkii ay ku jiraan afar xul qaran, waxayna ugu kala jiraan sidan.

Group A:-  Russia, Saudi Arabia, Egypt, Uruguay

Group B:-  Iran, Morocco,  Portugal,  Spain

Group C:-   Australia, Denmark, France, Peru

Group D:- Argentina, Croatia, Iceland, Nigeria

Group E:-  Brazil, Cost Rica, Serbia, Switzerland

Group F:-  Germany, Korea Republic, Mexico, Sweden

Group G:-  Belgium, England, Panama, Tunisia

Group H:-  Colombia, Japan, Poland, Senegal.

Xulalka loo saadaalin karo koobka adduunka ee sanadkan 2018 ayaa waxaa ka mid ah Jarmalka, Isbeyn,Faransiiska Barazil iyo Arjantiin, waxaana tartankan ka maqan xulul sumcad weyn ku lahaa oo ay kamid yihii Talyaaniga iyo Holland.

Dhacadadii kubbada cagta adduunka ee tan ka horeysay waxaa la qabtay 2014-kii, waxayna ahayd markii 20-aad oo la ciyaaro tartankan waxaana lagu marti galiyay dalka Brazil wuxuuna bilowday  12 June ilaa 13 July 2014-kii, kadib markii lagu abaal mariyay marti galinta FIFA 2007-kii.

Brazil oo ahayd marti galiyaha tartankaas ayaa guul daro culus kala kulmay Jarmalka markii looga adkaaday 7-1 ciyaartii Afar dhamaadka  (Semi-final), waxaana tartankan ugu dambeyn ku guuleystay Jarmalka oo 1-0 uga awood sheegtay xulka Arjentiin ciyaartii kama dambeynta (Final).

Jarmalka, koobka aduunka, 2014

Jarmalka ayaa markii afraad ku guuleystay koobka adduunka, waxayna sidoo kale ahayd markii ugu horeesay oo Jarmalkii midoobay ay qaadaan tartanka tan iyo 1990, Jarmalka wuxuu noqday dalkii ugu horeeyay ee koobka adduunka ku qaaday Qaarada America, waxayna noqotay in markii ugu horeysay wadamo isku qaarad ah inay ku guuleestaan seddax dhacdo oo xariir ah koobka aaduunka oo kala ah Talyaaniga 2006, Isbeyn 2010 iyo Jarmalka 2014.

Hadaba malaga yaabaa in markii afraad oo xiriir ah uu ku guuleysto tartankan wadan ka tirsan Qaarada Yurub? dad badan ayaa aaminsan HAA, wooyo waxaa Yurub kaga jira wadamo badan oo awood u leh in ay ku guuleysaan koobka adduunka 2018.

PUNTLAND POST