Xisbiyadii shahaadooyinka la siiyay oo loo goodiyay


Muqdisho (PP) ─
Iyadoo dhawaan la diiwaan-geliyay, shahaadooyinkii ay ku shaqeyn lahaayeenna la siiyay 15 Xisbi Siyaasadeed, ayaa waxaa loogu hanjabay in shahaadooyinka lagala laaban doono haddii ay u muuqdaan kuwo aanu qaab-dhismoodkoodu dhameystirnayn.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka Dalka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa ugu baaqday xisbiyada siyaasadda ee is-diiwaan-geliyay inay dhameystiraan qaab-dhismeedkooda, iyadoo laga doonayo in xafiisyadooda ay noqdaan kuwo aragti iyo kala dambeyn leh.

Sidoo kale, Xaliimo Yareey ayaa sheegtay in xisbigii loo arki in aanu xafiis lahayn lagala noqonayo shahaadadii horay loo guddoonsiiyay, Wuxuuna amarkan noqonayaa midkii ugu adkaa ee la hor-dhigo xisiiyada oo qaar ka mid ah ay leeyihiin shaqsiyaad aanay cidi wehlin.

“Waxaa laga doonayaa xisbiyada inay noqdaan kuwo dhameystiran marka la eego qaab-dhismeedkooda. Haddaad xisbigaaga ku fashilanto oo aanu xafiis lahayn, kuraas lahayn, isla markaana aanay kala dambeyni jirin waxay noo caddaanaysa inuusan xisbigaasi ahayn mid mudan in shahaadada uu haysto, waana lagaa qaadi doonaa,” ayay tiri Xaliimo Yareey.

Dhanka kale, Guddoomiyuhu waxay sheegtay in dhawaan baaritaanno ay ku sameyn doonaan xarumaha iyo xafiisyada Xisbiyada is-diiwaan-geliyay, isla markaana xisbigii ay u arkaan inaanu waxba u dhameystirneyn ay go’aan ka qaadan doonaan.

Xisbiyo tiradoodu gaarayso 15 ayaa dhawaan iska diiwaan-geliyay Guddiga Doorashooyinka Madaxa-bannaan, waxaana xisbiyada qaar oo aan lahayn wax haykal ah, ay mudan doonaan in shahaadada lagala laabto.

Ugu dambeyn, Doorashada lagu wado in Somalia ka dhacdo sanadka 2020-ka ayaa la filayaa inay noqoto mid ku dhisan nidaamka xisbiyada oo dadka ay dooranayaan, iyadoo la sheegay in doorashadu ay noqon doonto mid qof iyo cod ah.

PUNTLAND POST