Trump iyo Kim Jong-Un oo Kulan Yeeshay.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump iyo hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa ku kulmay dalka Singapore, kaddibna is-gacan qaaday. Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee labada hoggaamiye yeesheen.

Labada hoggaamiye ayaa ku kulmay Singapore, gaar ahaa jaziirad yar, waxaana wadahadalkooda ay diirada ku saarayaan inay xal ka gaaraan coladda muddo dheer jirtay ee labada dal ka dhaxeysa.

Hoggaamiye Kim ayaa yiri “Waan ku faraxsannahay inaan Mr Madaxweyne kula kulmo”

Madaxweyne Trump ayaa isaguna yiri ” Dareen weyn ayaan dareemayaa, waxaan yeellanayaa dood weyn waxayna noqon doontaa mid guul weyn ku dhammata. Sharaf ayay ii tahay inaan halkan kula joogo, waxaanan yeellan doonaan xiriir fiican, taasna shaki kama qabo”

Kim ayaa isaguna ku jawaabay ” Ma fududeyn in halkan aan soo gaarno. Waxaa jiray caqabado, laakiin waan ka soo gudubnay si aan kulankan u yeellano”

Trump iyo Kim ayaa yeellanaya kulan fool-ka fool ah oo labadooda oo kali ah, iyagoo ay ku wehelin doonaan laba turjubaan, waxaana goor danbe kulankooda ku soo biiri doonaa saraakiil labada dhinac ka tirsan, iyagoo si wadajir ah u wada qadeyn doona.

Labada dhinac haddii ay heshiis diblomaasiyaadeed gaareen, waxay taasi wax ka baddali doontaa amniga Waqooyi Bari Asia.

PUNTLAND POST