Ganacsato u dhashay Somaliland oo saxaafadda kula hadlay Garoowe

Ganacsato u dhashay deegaanada Somaliland oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland ayaa ka jawaabay hadal todobaadkii horre kasoo yeeray Faysal Cali Waraabe oo ah masuul ka tirsan maamulka Somaliland ka dib markii la sheegay inuu u hanjabay Ardey kasoo jeeda deegaanada Puntland oo wax ka barta Jaamacadda Boorame.

Ganacsatada reer Somaliland ayaa ugu baaqay shacabkooda inay ka dhiidhiyaan hadalkii Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo ay ku eedeeyeen shaqsi doonaya inuu fidmo ka dhex abuuro ummadda Soomaaliyeed.

Waxay ka marag kaceen ganacsataddu dadka u dhashay Somaliland oo Garoowe u yimaada qaadashada Baasaboorka Soomaaliga in loogu adeego si meeqaam sarre leh oo aan loogu shaqeyn muwaadiniinta u dhashay Puntland.

Sidoo kale waxay intaas ku dareen in shacabka reer Hargeysa ka marag kacayaan Gobolladda ugu badan oo lacag uga timaado inay yihiin Gobolladda Puntland oo uu sheegay inay ku xiran yihiin badeecadda lagu iibiyo suuqyadda ku yaala magaalooyinka Hargeysa,Berbera iyo Wajaale.

Daawo

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST