Garowe: Madaxweynaha Puntland oo xariga ka jaray waddo laami ah

Madaxweynaha Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga ka jaray waddo laami ah oo isku xirta wasaaradaha Dowladda iyo magaalada Garowe, taas oo dhawaan la hirgeliyay.

Madaxweynaha Puntland waxaa ku weheliyey xafladda xarig ka jarka maamulka dagmada Garoowe, qaar kamida golaha wasiiradda, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, ganacsato iyo marti sharaf kale.

Waddadan cusub ee wasaaraddaha ayaa dheerakeedu yahay 1.4 KM, waxaana ku baxday lacag gaaraysa 200,000$, iyadoona ay dhistay shairkad laga leeyahay Turkiga, oo ah tii dhistay Garoonka diyaarada Garoowe ee Gen. Mohamed Abshir.

Dhismaha wadadan ayay dowladdu sheegtay in lagu dhisay isku tashi, inkastoo warar xog ogaal ah ay sheegayaan in wadadan uu maal-galiyay Bangiga Aduunka ( World Bank ), waana mid marka lafiiriyo tayada iyo nashqadayntaba ka duwan kuwii hore.

Madaxweynaha Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey xarig jarkii waddada ayaa sheegay in waddadan ay tahay wado halbowle ah oo faa’iidooyin badan wadanka kusoo kordhin doonta oo ay ugu horyso bilicda iyo isku socodka gaadiidka.

Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa sanadihii ugu danbeeyay waxaa ku soo biirayay waddooyin laamiya iyo dhismayaal qurux badan, kuwaas oo kor u qaaday bilicda caasimamada.


PUNTLAND POST