Guddiga Difaaca Puntland oo fariin u direy Ardey waxbarasho u jooga Somaliland

Waxaa shir jaraa,iid ku qabtey magaalada Garoowe Gudiga difaaca Puntland oo jawaab ka bixinaya hadal maalmo ka hor kasoo yeeray mid ka mid ah masuuliyiinta ugu sareysa maamulka Somaliland Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo hanjabaad u jeediyay Ardey heybtoodu kasoo jeedo deegaanada Puntland oo wax ka barta jaamacaddaha ku yaala Boorame iyo Hargeysa.

Guddigu waxay ku sheegeen tiradda Ardeyda 824 Ardey, ka dib markey shaaciyeen in 514 ka mid ah wax ka barato magaalada Borame,halka 310 Ardey waxbarasho ka dhigtaan Jaamacaddo ku yaala magaalada Hargeysa.

Afhayeenka Dawladda Puntland Cabdulahi Quraan Jecel ayaa fariin uu u direy Ardeyda uga codsadey inay waxbarashadooda usoo bedeshaan dhulkooda iyo magaalooyinka uu ka taliyo maamulka Puntland,Isagoona carabka ku adkeeyay inay dib uga soo noqdaan deegaanada Somaliland.

Ugu dambeyntii waxay guddigu walaac ka muujiyeen amniga ardeyda u dhashay Puntland oo wax ka barta deegaano ka tirsan maamulka Somaliland oo iminka colaad adag ay ka dhaxayso maamulka ay dariska yihiin ee Puntland.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.