Colaada u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland oo saameysay shacabka labada dhinac.

Wararka ka imaanaya Boorame ayaa sheegaya maalinta beri ah inay kusoo wajahan yihiin Caasimadda Puntland ee Garoowe ku dhawaad 20 qoys oo kasoo guuray deegaano ka tirsan Somaliland, ka dib markey sheegeen hanjabaad iyo cabsi kasoo wajahdey hadalo ay warbaahinta isu mariyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo Puntland.

Guddiga Difaaca Puntland oo maanta Garoowe kula hadlay saxaafadda ayaa uga digey shacabku inay isticmaalaan garoomadda diyaaradaha Somaliland maamusho iyo 824 Ardey oo ay sheegeen inay jaamacaddo ka dhigtaan magaalooyinka Boorame iyo Hargeysa inay si deg deg ah uga soo baxaan goobahaas, ka dib jawaab ay ka bixiyeen guddigu hadal maalmo ka hor kasoo yeerey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Wariye madax banaan oo jooga Degmadda Dhahar ee xarunta Gobolka Haylaan ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST inay maanta halkaas soo gaareen tiradda ilaa 5 qoys oo uu sheegay inay kasoo guureen magaalooyinka Burco iyo Hargeysa.

Sidoo kale waxaa jira hadalo hanjabaad ah oo ay isdhaafsanayaan in badan oo ka mid ah bulshada labada dhinac iyo taakulo ay la garab taagan yihiin ciidamada weli isku horfadhiya deegaanka Tuko-raq oo dagaaladii ka dhacay ay ku dhinteen tiro ka badan 60 askari oo ka kala tirsan labada dhinac.
 
Colaadda Puntland iyo Somaliland ayaa iminka u muuqaal ekaatay mid saameysay isdhexgalka dadka sida arrimaha ganacsiga,waxbarashada iyo deegaanka, ka hor inta la gaarayo xal loo helo xiisada colaadeed ee ka dhexjirta maamulladda dariska ee Puntland iyo Somaliland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST