Culimo kula saftey Somaliland dagaalka Tukaraq iyo Eedeyn loo jeediyay Culimada Punland

Qaar ka mid ah culimadda Somaliland oo kulan magaalada Hargeysa kula qaatey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa ku garab istaagay Xukuumadda Hargeysa dagaalka ka socda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ka dib markey ku eedeeyeen Puntland inay soo weerartey dhulka Somaliland.

Sheikh Cabdulaahi Sheikh Cali Jawhar oo ka hadlay xafladda lagu qabtey Hargeysa ayaa si gaar ah talooyin ku saabsan colaadda u dhaxaysa labada maamul u jeediyay Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku qanciyay markhaati inay uga yihiin in la soo weerarey oo laga gardaran yahay Ciidanka Somaliland ka jooga Tukaraq.

Hadalka Shiikh Cabdulaahi ayaa yeelanaya waji ka duwan habkay culimada Puntland uga hadleen colaaddaas oo hab dhexdhexaadnimo ay ku muujinayaan mar sii horeysay baaq nabadeed iyo xabad joojin ugu direy labada dhinac ee Puntland iyo Somaliland.

Dhinaca kale waxaa ka hadlay munaasabada saaxiibka dhaw ee Madaxweynaha Somaliland Ahna Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo weerar afka ah ku qaadey shacabka Garowe iyo culimo udiinka Puntland ka dib markii uu ku eedeeyay inay dagaalka Tukaraq kula safteen Xukuumadda Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Daawo.

Abshir Dhiirane.

PUNTLAND POST