Buuhoodle:-Issimada SSC oo ka hadlay xiisada ka jidha Gobolka Sool.

Magaalada Buuhoodle waxaa lagu qabtey kulan ay isugu yimaadeen ku dhawaad 10 Issim oo kasoo jeeda Gobolladda Sool,Sanaag iyo Cayn, waxaana looga hadlay xiisada iyo colaada ka jirta deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool oo ay isku horfadhiyaan labo ciidan oo kala taabacsan Puntland iyo Somaliland kuwaas oo todobaadyaddii lasoo dhaafey dagaalo culus dhexmareen.

Kulanka waxaa fadhiyay inta badan Issimadda beelaha Sool, Sanaag iyo Cayn, halka qeybtood-na telefonka uga qeybgashay iyagoo ku sugan meelo kale oo ka baxsan Buuhoodle,Issimada kulanka ka qeybgalay ayaa ugu baaqay maamulka Somaliland inuu ka baxo Sool,Sanaag iyo Cayn, Iyagoona uga digay inuu kusii adkeysto sii joogitaanka Gobolladdaas.

Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo Garaad Saleebaan Buraale oo ka mid ahaa Issimaddii ka hadlay shirka ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo horey iyo hadda ay ula galeen maamulka Somaliland, islamarkaana uu xad gudub iyo duulaan ku yimid dhulkooda.

“Waxaa la yaabsanahay waxay naga rabto Somaliland,waxaanu la yaabsanahay waxay nagu sheeganayso,waxaanu la yaabsanahay sababta ay Somaliland ku tiri Annaga ayaad naga mid tihiin oo idin xukunna, haddii aad diidaana waa idin laynaynaa,Qarnigii 21 baa lagu jiraa Adduunka wax sidaas u dhaqma lama arag” ayuu yiri mid ka mid ah Issimadii ka hadlay kulanka lagu qabtey magaalada Buuhoodle.

Dhinaca kale waxay sheegeen Issimadda kulankaas isugu yimid bulshada ku nool Gobolladda Sool,Sanaag iyo Cayn inay ka tirsan yihiin maamulka Puntland islamarkaana ay wax ka dhisteen sanadkii 1998-dii.

Isku soo wada duuboo hadalka Issimada ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad culus oo dagaal ka dhex jirto labada maamul ee dariska Puntland iyo Somaliland kuwaas oo xilli kasta ciidamadooda la filan karo dagaalo ku dhexmara deegaano ka tirsan Gobolka Sool oo ay iminka isku horfadhiyaan.

 Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST