Shirkadda NUWACO oo Garowe ka hirgalisay ceel biyood ay ku deeqday Dowlada Bostwana

Garoowe waxaa lagu qabtey xil wareejinta mashruuc lagu qoday ceelka biyaha kaamka barakacayaasha ee Jilab oo ay qodey shirkaddaha biyaha ee NUWACO, waxaana kasoo qeybgalay xafladda loo sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Dowlada Puntland, Safiirka Dowladda Bostwana ee bariga Africa, Madax ka socota EU, Madax ka socota xafiiska Nayroobi ee Hay,adda Unicef, Masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha Puntland ee PSAWEN iyo Shirkadda NUWACO.

Gudoomiyaha Shirkadda NUWACO Cabdisamad Islaan Maxamed oo ugu horeyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay dhamaystirka ceelka shirkaddu ka qodey kaamka Jilab ee duleedka Koonfurta bariga magaalada Garoowe.

Wuxuu u mahadceliyay masuuliyiinta Wakaaladda Biyaha PSAWEN, Hay,adda Unicef iyo Deeq bixiyaashii ka qeybgalay qodista ceelkaan, Isagoona intaas ka dib ka gudoomay shahaado sharaf Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland iyo Safiirka Bariga Afrika ee Dowladda Bostwana.

Agaasimaha Hay,adda Psawen oo ka hadlay goobta ayaa si weyn ugu mahadceliyay Shirkadda biyaha NUWACO iyo Dowladda Bostwana oo uu sheegay inay tahay dowladdii ugu horeysay oo Afrikaan ah oo mashruuc ka hirgalisay meel ka mid ah gudaha dalka Soomaaliya.

Safiirka ka socday Dowladda Bostwana oo isna ka hadlay xafladda ayaa yiri “ Waxaan dareemayaa farxad weyn madaama calankii dalkeygu ka dul babanayo goobta mashruucaan laga hirgaliyay oo ku taala Garoowe iyo Meel walba oo ka mid ah Caalamka,Sidaas darteed waxaan u bandhigi doonaa safaaradaha dowladaha Afrika si aan ugu dhiirigaliyo inay arkaan miro dhalka wixii aanu ku deeqnay”.

Ugu dambeyntii Madaxweyne kuxigeenka Dowladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar Camay ayaa uga mahadceliyay Shirkadda qodey ceelkan, Dowladda Bostwana, iyo Hay,adda Unicef dadaalka ay ku bixiyeen balaarinta mashruuca biyaha ee kaamamka barakacayaasha magaalada Garoowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST