Real Madrid oo ku guuleysatay koobkii 13-aad ee kooxaha Yurub

Real Madrid oo ku guuleysatay koobkii 13-aad ee Champions League-ga
Kooxda Real Madrid ayaa ku guuleysatay sanadkii 3-aad oo xiriir ah iyo markeedii 13-aad koobka UEFA Champions League-ga, kadib markii ay 3-1 ugu awood sheegatay Liverpool ciyaartii ugu danbeynta oo ka dhacday magaalada Kiev ee dalka Ukraine.

Kooxda tartankan looga guuleystay ee Liverpool oo ciyaarta ku bilaabatay dardar ayaa waxaa qeybtii hore ee ciyaarta ku dhacday musiibo, kadib markii uu dhaawacmay Mahamed Salah oo ahaa weerar yahanka ugu khatarsan kooxda, waxaana si weyn u niyad jabay tababaraha, ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxdaas, waxaana daqiiqadii 30-aad Salah la saaray garoonka isaga oo ilmaynaya.

Wixii intaas ka danbeysay Real Madrid oo ilaalo xoogan ka haysay Salah ayaa waxaa ka degay culeys aad u weyn oo haystay, waxayna qeybtii danbe ee ciyaarta bilowday weeraro is-dabajoog ah ugu danbeyna waxaa goolka furitaanka u dhaliyay Kream Benzima.

Balse Sadio Mane ayaa Liverpool afar qadiiqo kadib u keenay goolka barbaraha, kaas oo rajo weyn galiyay kooxda.

Gareth Bale oo ciyaarta badal ku soo galay ayaa noqday halyeygii Real Madrid markii uu labada gool ee quusiyay Liverpool la dhilayay dhamaadkii ciyaarta wuxuuna mid kamida ahaa labaalay.

Tababare Zidane ayaa noqday tababarihii ugu horeeyay oo saddex sano oo xiriir ah ku guuleysta tartankan, sidoo kale waxa laab noqotay 8 kulan oo uu Final yimid in uu wada guuleystay, halka tababaraha Liverpool uu nodnay mid saniib xun, markii 7 kulan oo Final ah oo ay ku jiraan labo Champions League looga guulestay 6 ka mid ah.

Real Madrid ayaa Liverpool kaga aarsatay guuldaradii ka soo gaartay Final Champions League-ga sanadkii 1981 markaas oo looga adkaaday 1-0.

PUNTLAND POST