Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku wajahan Baydhabo

Wafdi oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan ayaa maanta ku wajahan magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.

Safarka Guddoomiye Mursal uu ku tegayo magaaladda Baydhabo ayaa lagu sheegay siduu ula kulmi lahaa madaxda Maamul goboleedyada ee ku shirsan halkaas .

Dhanka kale waxaa dib loo dhigay  war-murtiyeedka shirka Madaxda dowlad Goboleedyada uga socda Magaalada Baydhaba, oo la filayay in shalay lasoo saaro.

Qorshaha ayaa shalay  ahaa in lasoo gunaanado guud ahaan shirka, isla markaana laga soo saaro War-murtiyeed la xiriira waxyaabaha ay madaxda kawada hadleen labadii maalin aynu soo dhaafnay.

Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex jira madaxda maamul Goboleedyada iyo dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST