Madaxweyne Farmaajo oo ku sii Jeeda Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafi uu hogaaminayo ayaa ku sii Jeeda Dalka Qadar.

Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu jiro Wasiiro Xildhibaano iyo la taliyaasha Madaxweynaha ee dhanka Arimaha Dibada iyo Siyaasada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qadar kula kulmi doono Amiirka Dalka Qadar Amiir Sheikh Bin Hamad Al-Thani.

Labada Masuul ayaa ka wada hadli doono arimaha la xariira Taageerida Dowlada Soomaaliya ee dhinacyada Amniga iyo siyaasada.

Qadar ayaa la wareegi doonto taageerada ciidamada Dowlada Soomaaliya kadib markii uu  joojiyay Imaaraadka Taageerada Ciidamada Soomaaliya.

Waa Safarkii Labaad ee Madaxweyne Farmaajo uu ku tago Dalka Qadar waxaana ay arinta u muuqato in ay in Qadar ay xiriir wanaagsan la yeelaneeyso Soomaaliya kadib markii uu qilaaf soo kala dhexgalay Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho