Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan la yeeshay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating.

Kulankan ayaa waxaa goobjoogayaal ka ahaa; Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), guddoomiyeyaasha guurtida iyo wakiillada, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Sacad Cali Shire. Waxaana intii uu socday looga hadlay arrimo door ah oo u ubucdoodu ahayd sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ay Somaliland la leedahay Qaramada Midoobay.

Muuse Biixi ayaa ergayga Danjire Keating uga warramay sida ay diyaarka ugu yihiin inay beesha caalamka kala shaqayaan wax kastoo danta gobolka iyo midda guud ee caalamku ku jirto, isagoo carrabka ku dhuftay Somaliland ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha Wakiillada iyo deegaanka ee sannadka soo socda qabsoomaya ay u dhacaan waqtigii loo asteeyay.

Sidoo kale, Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhinaciisa sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay Somaliland si dhaw ula shaqeyso sid loo horumariyo wada-shaqeynta labada dhinac.

“Madaxweynaha Somaliland iyo ergayga QM ee Soomaaliya waxay kulankooda uga hadleen arrimo badan oo la xiriira bani’aadamnimada, xaaladda roobka sanadkan, nabadgelyada, doorashooyinka sanadka soo socda iyo sidii ay u wada-shaqeyn lahaayeen Somaliland iyo Qaramada Midoobay,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Sacad Cali Shire u sheegay qaybaha warbaahinta kaddib markii uu kulanku soo dhammaaday.

Ugu dambeyn, Kulankan dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo ergayga Qaramad Midoobay ee Somalia ayaa noqonaya kii labaad ee ay yeeshaan, muddada shan bilood ah, waxaana dhinacyadu ay isku af-garteen dhammaan qodobbadii looga hadlay kulanka.

PUNTLAND POST