Madaxweyne Gaas oo wasiiro cusub magacaabay.

Wareegto ka soo baxday  xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland,Dr. Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo ku taariikhaysan 12 May ee ku began maanta ayaa lagu magacaabay,wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland ayaa loo magacaabay,daahir Xaaji Khaliif,sida ku xusan wareegtada uu soo saaray madaxweyne Gaas.

Wasiirki hore ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dowladda Puntland,Cabdinuur Cilmi Maxammuud(Biindhe) ayaa 26-kii jennaayo ee sannadkaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho,halkaasoo uu baaritaan caafimaad u joogay.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland u magacaabay,Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud,kadib markii 2-dii bishaan May digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas xilkii looga qaaday,Wasiir ku xigeenkii hore Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda,Maxamuud Maxammed Cali(Gabbax).

Gabbax iyo lix mas’uul oo ka tirsanaa Wasaaraddiisa ayaa xilalkii looga qaaday arrimo la xiriira musuq maasuq,sida lagu sheegay digreetada uu xilligaasi soo saaray madaxweynaha Puntland.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar