Al-shabaab oo Madaafiic ku weeraray saldhiga ciidamada Turkiga ee Muqdisho

Kooxda Al-Shabaab ayaa saakay weerar dhanka cirka ah ku qaaday saldhiga ciidamada Turkiga ay ku leedahay deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho.

Dadka Deegaankaasi ayaa Puntland Post u sheegay in ay maqlayeen jugta Madaafiic ku dhaceysa xarunta Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho.

Xiliga uu weerarkaan dhacay ayaa aheyd waabaragii hore ee saaka xili ay ciidamada Dowlada Soomaaliya isku diyaarinayeen tababarka ay bixinayaan saraakiisha Turkiga.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in 13- Madfac ay ku weerareen saldhiga Turkiga uu ku leeyahay Magaalada Muqdisho.

Si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarakaasi madaafiicda ah, Dowlada Soomaaliyana wali kama hadlin falkaasi lagu weeraray saldhiga Turkiga ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke .

Puntland Post Muqdisho