PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Farmaajo iyo Jawaari oo ka wada hadlay Mooshinkii laga soo Gudbiyay

Share

Waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacay shir ay wada qaateen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho halkaasi uu madaxweynuhu uu si KMG ah u daganyahay.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warbaahinta Puntland Post ayaa waxa ay sheegayaan in kulankaasi oo ahaa mid xasaasi ah uu qaatay saacado aad u badan.

Gudoomiye Jawaari  u sharaxay Madaxweynaha khilaafka siyaasadeed ee jiray  isaga oo ka codsaday Madaxweyne Farmaajo in uu soo faragaliyo khilaafkaan siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka khilaaf kasta oo jirana uu ugu baaqay in la xaliyo.

Waxaa cirka isku sii shareeraya qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Gudoomiye Jawaari iyo Ra’isilwasaare Kheyre waxaana arintaan ay soo ifbaxday Markii Mooshin sida la sheegay laga soo abaabulay xafiiska Ra’isilwasaaraha laga soo Gudbiyay Gudoomiye Jawaari.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

1 comment

  1. Kheyre cadaw isagaa isugu filan. Mar uu weeraro Cabdiraxmaan Cabdishakuur, mar uu weeraro Cabdi Qeybdiid, mar uu abaabulo qaraxyo, isagoo lagu xanto inuu hoosta kala xiriiro kuwo hunguriyeynayo shidaalka, gaaska iyo kheyraadka Somalia, etc.

    Haddana inqilaab cad buuba keenay oo waa kuu ciidamo kula wareegay Xaruntii iyo saldhiggii Barlamaankii umadda Soomaaliyeed. Malaha aqoonta sharciga ayaa ku yar oo maba dareensana inuu dalka iyo sharcigaba ka galay khayaanada ugu weyn (high treason).

    Waxaa kale uu Kheyre galay dembiga ah: iskuday waxyeelleyn nidaamka taagan AMA “attentato al’ordine stabilito” ama ingiriis ahaan “attempts against the established order”.

    Inta aan wax kale loo gudbin, waa in Kheyre lagu oogaa dembigiisa ah “high treason” oo ka dhashay isku daygiisa uu isku dayay inuu inqilaabo, xoogna kula wareego awoodda qaranka Soomaaliyeed.

    Nasiib darro, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Somalia, Axmed Cali Daahir, ma aha shaqsi ay ku weyn tahay waddaninimo Soomalliyeed. Waa Itoobiyaan u adeega Addis Abeba. Waa shaqsigii madaxa ka ahaa Maxkamadda Sare ee Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya. Dano Xabashiyeed iyo adeeg jaajuusnimo ayaa loo keenay ruuxan oo waxaa keenay Gabre.

    Somalia waa dal nasiib daran.

Leave a Reply