Somliland oo joojisay adeega Lacagta Mobilka wixii ka yar $100

Shirkadaha adeega Lacagta Mobilka ee Somaliland ayaa joojigay in wax ka yar boqol dollar ($100) laysu diro ama wax lagu iibsado, kadib markii ay u hogaan sameen amar ay soo saartay Somaliland.

Adeegyadaas ayaa kala ahaa ZAAD  iyo E-DAHAB waxaana bixin jiray shirkadaha Telesom iyo Somtel oo ka howlgal Somaliland, Puntland iyo qeyb kamdi ah Koofurta Soomaaliya.

Shirkadaha Telesom iyo Somtel oo bixin jiray adeegan ayaa maanta ku dhawaaqay in bari laga bilaabo ay joojin doonaan adeega Mobilka Lacagta waxii ka yar boqol dollar ($100) isku dir iyo wax ku iibsi, waxayna intaas ku dareen in deegaanada ka baxsan Somaliland uusan saameyn doonin go’aankan.

Sababta loo joojiyay adeega Mobilka Lacagta wax ka yar boqol dollar ($100) ayaa yimid markii Suuqyada magaalada Hargeysa iyo deegaanada kale ee Somaliland sanadihii danbe si aad ah looga dareemayay sicir barar, kadib markii shillinka Somaliland uu qiimo beelay marka lagu sarifo dollarka.

Somaliland ayaa noqotay maamulkii ugu horeeyay oo ku guulestay wax ka qabashada adeega Mobilka Lacagta oo qeyb lixaad leh ka qaata sicir bararka iyo hoos u dhaca lacagta Shilinka Soomaaliga ee ka jira deegaanada Soomaaliya.

Go’aankan oo kale waxaa horey ugu fashilantay Puntland oo mar isku dayday in ay joojiso adeega Mobilka Lacagta waxii ka yar Konton dollar ($50), kadib markii ay shirkadaha bixiya kala kulantay is-hortaag.

PUNTLAND POST