Maamulka G/Benaadir iyo Wasaaradda Waxbarashada XFS oo kala saxiixday heshiis

13 Maarso, 2018–Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan ( Eng. Yarisow) oo ka qeyb galayey munaasabad ay heshiis dhanka waxbarashada ah ku kala saxiixanayeen Maamul Gobolka iyo Wasaaradda Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay dar-dar gelinayaan dadaallada horumarinta waxbarashada asaasiga ah ee gobolka.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Maamulka Gobolka Benaadir lagu wareejiyo gacan ku heynta iskuulka 15ka May ee magaalada Muqdisho oo dhawaan dib loo furay.

Guddoomiyaha Gobolka ayaa tilmaamay in iskuulkan uu qeyb weyn ka soo qaatay waxbarashada kumanaan shacab ah oo ku dhaqnaa gobolka Benaadir xiigii Kacaankii haatanna dib loo furay kaddib dayactir iyo dib u habeyn lagu sameeyey.

“Iskuulkan waxa uu ka mid ahaa goobihii ku tilmaamnaa waxbarashada asasaasiga oo haatan aan ku dadaaleyno sidii aan dib ugu soo nooleyn lahayn, gaar ahaan in aan soo celinno fursadaha waxbarashada bilaashka ah ee tacliinta asaasiga.”

Eng.Yariisow waxa uu sheegay in la qorsheynayey in sannad dugsiyeedkan lagu bilaabo furitaanka dugsiga 15ka May 60 arday oo kaliya, balse muddada saddexda todobaad ah ee uu furanyahay la diiwaan geliyey arday kor u dhaafeysa 600 oo arday, taas oo ka tarjumeysa baahida loo qabo dib u soo nooleynta tacliinta bilaashka ah ee ay ku tiirsanyihiin qooysaska danyarta ah.

Guddoomiyaha waxa uu uga mahad celiyey dawladda Masar kaalinta ay ka qaadatay dib u furitaanka dugsigan, isagoona ugu baaqay in ay soo kordhiyaan tirada macalimiinta haatan wax ka dhiga dugsigan si loo buuxiyo baahida ay sababtay tirada ardayda dheeraadka ah ee la diiwaan geliyey.

Heshiiskan waxaa Maamulka Gobolka Benaadir u saxiixay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Marwo Basmo Caamir Axmed halka Wasaaradda Waxbarashadana uu u saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Xasan Maxamed Cali, iyadoo uu goob joog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxman Daahir Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cismaan (Eng.Yarisow), Guddoomiyaha degmada Warta-Nabadda iyo Danjire Ku Xigeenka Safaaradda dalka Masar ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST