MADAXWEYNE BIIXI: Xilligan wax Wada-hadal ah lama yeelanayno Dowladda Soomaaliya

Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo wareysi gaar ah siinayay mid ka mid ah Telefishinka Horn-cable, ayaa sheegay in xiligaan munaasab ahayn wadahadal ay la galaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Muuse Biixi ayaa xoojiyay hadalkii Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda, Sacad Cali Shire oo sheegay inay dib u dhigeen si KMG wadahadaladii ay Soomaaliya kula yeelan lahaayeen dalka Jabuuti.

“Wada-hadalladu mar walba way wanaagsan yihiin, balse xilligan munaasab kuma aha, waayo yaan la hadalnaa, ma cid aan jirintaankeenna aqoosanayn. Annaga waxaan doonayno waa inaan isku soo hor-fariisano sidii labo Dal oo kale, iyaguna taas ma ogola, marka Dowladda Somalia iyo gobol Soomaaliya ka tirsan oo kale miyaan u wada-hadalnaa – Maya,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Sidoo kale, Muuse Biixi ayaa kasoo horjeestay in dowladda Turkiga ay dhex-dhexaadiso iyaga iyo Dowladda Somalia, isaga sheegay inay ku fashilmeen wada-hadalladii horay labada dhinac u dhex-maray.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa wuxuu si adag uga jawaabay go’aankii ay Dowladda Soomaaliya ka qaadatay Heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee Dekedda Berbera.

“Marka hore waxaa is weydiin leh Berbera yaa maamula… kuwa leh heshiiska ayaan kasoo horjeednaa ma imaan karaan Berbera… marka deegaan aanu ku jirin gacantaas oo aadan tagi karin inaad ka hadasho maamulkeeda waa ayaan-darro. Annaga kama hadalno waxa ka socda Dekedda Kismaayo iyo tan Boosaaso, waayo waan ix-tiraameynaa go’aankooda,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Somaliland.

Hadalka Muuse Biixi ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay xafladdii furitaanka kal-fadhigii saddexaad ee baarlamaanka Smalia uu sheegay inuu si dhaqso ah u billaabmi doonaan wada-hadaladii ay Dowladda Somalia kula jirtay maamulka Somaliland.

Ugu dambeyn, Xubno ka tirsan baarlamaanka iyo Wakiilada Somaliland ayaa kasoo horjeestay heshiiska Dekedda Berbera, iyagoo ku tilmaamay mid aan waafaqsaneyn heshiisyadii horey u dhaxmaray Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DP World, gaar ahaan waxaa ay xubnaha golaha Wakiiladu diideen Saamiga ay Itoobiya ku yeelanayso dekedda Berbera.

PUNTLAND POST