Yariisow”“ Shacabka Waxay Codsanayaan Sidii loo da-dajin Lahaa Maqaamkii ay Yeeelan Laheyd Muqdisho”

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) ayaa ka hadlay arinta maqaamka Magaaladda Muqdisho.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu u baahan yahay inuu helo xuquuq la mid ah tan Gobolada kale ee Wadanka, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay lagama maarmaan tahay sidii uu Gobolka Banaadir matalaad ugu yeelan lahaa Aqalka Sare.

“Shacabka reer Muqdisho waxay jecel yihiin inay arkaan sidii Jidadka loogu furi lahaa, sidoo kale waxay codsanayaan sidii loo da-dajin lahaa Maqaamkii ay yeeelan laheyd Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

hadalkaan ayuu gudoomiyuhu ka sheegay munaasabadii daah furka kalfadhigii 3-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay lagu qabtay Muqdisho.

u xusul duubida Maqaamka Muqdisho ayaa sabab u aheyd in xilkii laga qaado Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Thaabid Cabdi Maxamed oo qilaaf ku saabsan Maqaamka Muqdisho soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxda Dalka.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho