250 000 kun oo ku bara-baxay Colaaddi Oromada iyo Somalida oo degaannadoodi lagu celiyay.

Dowladda Ethiopia ayaa sabtidii maanta ku dhawaaqday in 250 000 kun oo qof oo ku bara-baxday rabshadihii ka dhacay xuduudka u dhexeeya gobolka Oromada iyo kan dowlad-degaanka Soomaalida ee Ethiopia dib loogu celiyay degaannadoodii.

Isagoo la hadlayey hay’adda Warbaahinta Ethiopia,Mitiku Kassa,guddoomiyaha guddiga maareynta Khatarta Musiibooyinka Qaran ee Itoobiya ayaa sheegay in bara-kacayashu ay awoodeen in ay soo laabtan,kadib markii mas’uuliyiinta iyo odoyaasha labada gobol ay shir yeesheen bishii Febraayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladdu ay ka shaqeynayso in ay sida ugu dhakhasaha badan u soo celiso intii ka hartay 600 000 kun oo ka cararay rabshadihii dhacay bishii April ee sannadkii 2017.

Kassa ayaa sidoo kale sheegay in 86 000 kun oo kamid ah kuwa soo laabtay loo sameeyey dhaqan-celin ,iyadoo la kaashanayo mas’uuliyiinta dowladda Federaalka Ethiopia iyo dowlad-degaannada.

Dowlad-degaannada Oromada iyo Soomaalida ee dalka Ethiopia ayaa khilaaf ku saabsan xuduudka ay wadaagan ku soo jiray muddo ku dhow 20 sano.

Bishii October ee sannadkii 2004,afti la qaaday ayaa lagu calaamadiyay soohdinta labada dhinac,hayeeshee fulinteedii ayaa la hakiyay,kadib markii labada dhinac midba midka kaleĀ  ku eedeeyay in uusan u hoggaansamin natiijadii aftida.

isku-dhacyo isir ku salaysan oo ka dhacay xuduudka dheer ee labada gobol tan iyo bishii September,ayaa sababay dhimashada tobanaan ruux iyo bara-kac kumanaan kale.

Halkaan ka akhriso Warbixintan oo ay qortay Wakaaladda Wararka xinhua

PUNTLAND POST