Guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ee Puntland oo beeniyay hadalkii Qur’aan jecel

Guddiga doorashooyinka Ku meel-gaarka ah ee Puntland oo magacooda loo soo gaabiyo,TPEC ayaa maanta beeniyay in ay dowladda Puntland mas’uul uga yihiin doorashada madaxtinimada ee sannadka 2019.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Ku meel-gaarka ah ee dowladda Puntland,Cabdiraxmaan Diiriye Samatar(Shuuqe) oo maanta ka hadlayey munaasabad lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in waajibaadka guddigooda uu Dastuurka Puntland qeexayo,islamarkaana uu yahay diiwaan-gelinta ururrada siyaasadda iyo doorashooyinka Golayaasha degaanka,taasoo laga doonayo in ay ka soo baxaan saddex xisbi-qaran oo keli ah.

Guddoomiye Shuuqe ayaa sidoo kale tilmaamay in waajibaadka loo xilsaaray ay kamid tahay fahamsiinta bulshada Puntland ee nidaamka ururrada siyaasadda,si barnaamijkaasi loo gaarsiiyo dhamaan degaannada Puntland,isagoo caddeeyay in aysan gebi ahaanba shaqo ku lahayn doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019.

Hadalka guddoomiyaha ayaa ku soo beegmay xilli dhowaan Af-hayeenka xukuumadda Puntland,Cabdillaahi Maxammed Jaamac(Qur’aan jecel) uu Warbaahinta u sheegay in guddiga doorashooyinka ku meel-gaarka ah ay mas’uul Puntland uga yihiin doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Halkaan ka daawo.

PUNTLAND POST