Maqaal: Xaaladda kulul ee Itoobiya iyo kacdoonka Orommada

In kasta oo ayna Soomaalidu qayb ka ahayn xisbiga haya talada Itoobiya ee (EPRDF), haddana waxay Soomaalidu shacab iyo dowladba aad u taageertaa nidaamka federaaliga ah ee uu waddanku ku socdo. Taasna waxaa sabab u ah xasuustii xumayd ee ay ku reebeen dowladihii hore ee boqortooyooyinkii dad- qalka ahaa iyo kii dhergiga. Sidaa daraadeed waxa ay Soomaalidu u arkaan inay is- gaabiyaan kana faa’iidaystaan nidaamkan u saamaxaya maamul-hoosaadka ay haatan ku haystaan.

Dhinaca kale waxaa muddooyinkii u danbeeyeyba kacdoonno waday qowmiyadaha shucuubta Koonfureed (Dhabuub), Amxaarada iyo Orommada, waxayna saddexdan is-maamulba ka mid yihiin afarta xisbi (TPLF, ANDM, OPDO, SEPDP) ee isu tagay kuna bahoobay xisbigii aan soo sheegnay ee EPRDF, waxayna saddexdooduba mucaaradsan yihiin qowmiyadda Tikreega oo ay u arkaan inay ka badsadeen dhinacyo badan. Soomaalidu waxay fursad u heshay inay xisbiyadan ka mid noqoto xilligii ay siyaasiyiinta aan qaan-gaadhin ee ONLF ay talada dhinaca Soomaalida hayeen, taas oo noqotay kabbo oo saydh.

Kacdoonku wuxuu socdaba, qowmiyadda Orommada ayaa intii kale oo dhan ku tidhi bal idinku iska fadhiista annagaa kacdoonka keliganno wadaynee!

Orommadu waxa ay rabto maxaa ka mid ah?

Shaki kuma jiro inay Orommadu sida Soomaalida ka faa’iidaysteen nidaamkan hadda jira. Weliba in aad uga badan inta ay Soomaalidu ka faa’iidday. Haddana waxay la noqotay inayna intaa ku joogsannin ee ay kacdoon ku raadiyaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin:

1. Qowmiyaddani maadaama ay tiro ahaan tahay qowmiyadda ugu tirada badan, waxay u aragtaa inay laga maarmaan tahay inay ka dhex muuqato oo ay hoggaamiso siyaasadda iyo cududda waddanka

2. Waxay rabaan in ardaydooda tirada badan ee shaqo-la’aantu haysto ay helaan shaqooyin

3. Waxay sheegeen inay rabaan in dheriga uu ku karsamayo dhaqaalaha waddanku ayna iyagu noqonnin dhar-dhaarka uu dherigaasi saaran yahay uune ay waxa ku jira wax ka leefaan.

Kacdoonka Orommada oo saameeyey Itoobiya, gaar ahaan dhinaca Bari ee waddanka ayaa sababay inuu kursiga banneeyo af-hayeenkii baarlamaanku iyo inay dowladdu sii daayaan maxaabiis badan, Hase ahaatee intaas kuma uusan joogsannin, waxaana ugu danbayn isna inuu kursigiisa bannaynayo ku dhawaaqay wasiirkii koowaad ee waddanka.

Kolkii uu wasiirka koowaad ku dhawaaqay inuu kursiga bannaynayana, waxa uu ciidanku baahiyey inuu waddanku galay xaalad deg-deg ah muddo lix bilood ah. Arrinkaana waxaa aad uga hor yimid waddamada reer galbeedka, wuxuuna safiirka Maraykanka u jooga Adis-ababa uu aad ugu adkeeyey inay dawladdu ka noqoto mowqifkeeda iyo inay maqasho shacabkeeda, isla markaana ayna cidhiidhi gelinnin xorriyada hadalka…

Illaa iyo waqtiganna EPRDF, ma ayna soo magacaabin wasiirkii koowaad ee la sugayey, waxaana aad la isu waydiinayaa qowmiyadda uu noqon doono, Waxaa loo badinayaa inuusan noqon doonin qowmiyadda wasiirkii koowaad ee is-casilay oo ahaa shucuubta koonfureed iyo qowmiyadda tuhunka laga qabo ee Tikreega, ayna ku tar-tami doonaan qowmiyadaha Amxaarada iyo Orommada, illeen sida aan soo sheegnay afartaa ayuu xisbiga talada hayaa ka kooban yahaye!

Haddii ay sidaa noqoto, waxay u badan tahay inuu wasiirka koowaad noqon doono mid ka imaanaya qowmiyadda Orommada oo uu u sharraxan yahay nin uu Aabihii muslim ahaa laguna magacaabo AbiyAhmed.

Haddaba su’aashu waxay tahay haddii wasiirka koowaad la siiyo qowmiyadda Orommada ma laga yaabaa inay arrinkaa ku qancaan oo ay joojiyaan kacdoonka, mise way sii wadi doonaan illaa ay ka xaqiijayaan dalabaadkooda oo dhan.

Haddiise uu kacdoonku sii socdo, waddankuna uu ku jiro xaaladdan deg-degta ah oo internet-kii muddoba maqan yahay, maantana uu xidhan yahay telefoonku maxaa xigi doona? Ma milleteri ayaa iman? Ma dowladdan ayaa dibu-habayn siyaasadeed la imaan iyo fur-furnaan kasii badan siday tahay? Ma Amxaaro boqortooyo iyo dhergi soo celisa ayaa imaan? Ma sida Ex-Yuguslavia iyo kala goo- go’ ayaa dhici? Allow sahal.

W/Q: Abdirahman Sheikh Bihi