PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Puntland oo gurmad deg deg ah weydiisatay Qaramada Midoobay

Share

Ku xigeenka dhinaca banii’aadantinimada Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya,Peter De Clercq ayaa dowaladda Puntland ku amaaney doorka iyo kaalinta siyaasadeed ay ka qaadatay Nabadda, iyo Xasilinta Soomaaliya.

Mr.Peter De Clercq ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu maanta Garoowe kula yeeshay madaxweyne Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),wuxuuna sidoo kale Puntland ku ammaanay in ay door weyn ka qaadatay ka shaqeynta arrimaha banii’aadantinimada.

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxammed Cali (Gaas) oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in Puntland ay marwalba u taagan tahay sidii loo heli lahaa dowladnimo soomaaliyeed oo buuxda,taasoo ku dhisan caddaalad,isla markaana haysata kalsoonida shacabka soomaaliyeed, si loo helo shacab iyo dowlad isku duuban oo si wadajir ah u wajaha xaaladda cakiran ee haatan Soomaaliya ka jirta.

Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa Mr.Peter De Clercq u sheegay in loo baahan yahay in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen, isagoo Qaramada Midoobay ka codsaday in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinanayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee reer Puntland.

PUNTLAND POST

 

1 comment

  1. sida rumti ah shacabka somaliyed ee puntland markasta abaartu wa katagan tahay,hadey ka tagan tahay waxa lo bahan yahay markaste in cawimad lo fidiyo,UN. waxay wax bixisa waqti dhibatadu meel xun gartay,madaxweynaha mamulka puntland waxuu ogyahay dhibatadu mesha aay marayso,waxuna UN,warbixin sax ah ku siyey gurmad degdeg ah in lo helo shacabka puntland ee Abarti hore dadka & dunyada nolashado galafatay.

Leave a Reply