Sarkaal ka tirsan shirkadda biyaha NUWACO oo lagu afduubay magaalada Baran.

Dabley hubaysan ayaa abaaro duhurnimadii maanta afduub ugu geystay magaalada Baran ee Gobolka Sanaag mid ka mid ah hawlwadeenadda Shirkadda Biyaha NUWACO sida uu u xaqiijiyay warbaahinta PUNTLAND POST maamulka shirkaddaas.

Cabdinuur Siciid Faraxsane oo la hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa sheegay Maxamed Siciid Taako oo ka mid ah shaqaale ka shaqeynayay biyo galinta magaalada Baran inay ka afduubeen goobta shaqada kooxo hubaysan.

Cabdinuur ayaa intaas ku darey inay jiraan dadaalo uu wado maamulka Gobolka Sanaag iyo Odoyaasha deegaanka Baran islamarkaana la aqoonsadey dableydii afduubka geystay,wallow aan la ogeyn sababta ka dambeysa afduubka ka dhacay gudaha magaalada Baran.

Dhageyso wareysiga Cabdinuur Siciid Faraxsane.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST