KENYA: Ciidankeenu wax lug ah kuma lahan Dhuxusha laga dhoofinayo Dekeda Kismaayo

Kismaayo (PP) ─ Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay soo baxayeen warar sheegya in Dekedda Kismaayo laga dhoofiyo dhuxul, ayay ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo waxay iska fogeeyeen in ay wax ka ogyihiin dhoofinta dhuxusha ee dekedda Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in ka badan 20 Doomood ay Kismaayo ka Qaadeen dhuxul ay u qaadeen dhinaca Dekedo ku yaalla Cuman, Iran iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale, Mas’uuliyiin millaterig Kenya ayaa beeniyay in Ciidamadoodu ay ku lugleeyihiin tallaabooyin lagu dhoofinayo dhuxusha oo xayiraad ay ugu soo rogtay Qaramada Midoobay.

Afhayeenka ciidamada Kenya, Col. David Obonyo ayaa Wargeyska Business Daily u sheegay in ciidamada Kenya ay si toos ah ugu lug lahaayeen ilaalada Dekedda Kismaayo, sidaa awgeedna aysan ku lug yeelan Karin dhoofinta dhuxusha.

“Waan arkay Sawirrada muujinayay dhuxusha laga dhoofinayo Dekeda weyn ee Magaalada Kismaayo, ciidamadeenuna wax lug ah kuma lahan dhuxusha la dhoofinayo,” ayuu Col. David Obonyo ku sheegay Wargeysigiisa.

Dhank kale, Afhayeenku wuxuu intaas ku daray inaysan ciidankooda Somalia ku sugan aysan sinnaba ugu lug yeelan doonin dhuxusha la dhoofinayo, isla markaana aysan wax shaqo ah ku lahayn joojinteeda.

Ugu dambeyn, Col. Obonyo ayaa sheegay in Somalia ay u joogaan sidii ay u caawin lahaayeen dowladda iyo maamullada jira, si looga adkaado ururka Al-shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ka wadaan Soomaaliya.

PUNTLAND POST