Al-shabaab oo dib u qabsaday qaar kamid ah degaanno shalay laga saaray.

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka baxeen degaanno badan oo shalay kala wareegeem Al-shabaab.

Degaannada Awdheegle,Daaru-Salaam,Mubaarak,Ugunje,Sabiid, iyo Mareeray oo shalay qabsadeen ciimada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya AMISOM ayaa wararku sheegayan in haatan ay dib uga baxeen,islamarkaana qaar kamid ah degaannadaasi ay ku noqotay Al-shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo Maaliyadda gobolka Shabeellaha Hoose,C/fataax Xaaji Cabdulle  oo Warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in markii horeba ciidamadu ay halkaas u tageen in ay burburiyaan saldhigyada Al-shabaab,balse aan ujeedkodu ahayn in ay degaannada sii joogaan.

Dhinaca kale saraakiil ka tirsan Al-shabab oo la hadlay Warbaahinta iyaga taageerta ayaa sheegay in ay dib ugu noqdeen degaannadii shalay laga qabsaday,waxaana degaanada ay ku laabteen kamid ah Awdheegle,Daaru-Salaam,Mubaarak,sida ay baahisay warbaahinta Al-shabaab.

Wixii ka soo kordha kala soco:puntlandpost.net