Maqaal:- Dhib iyo Dheef sanad kadib Dowladda Madaxweyne Farmajo!

Waxaa sanadkii tagey ee horaantii bishii February 8, 2017 Soomaaliya ka dhacay isbadal, isbadalkaas waxaa hormuud ka ahaa xildhibaanada Dowlada aFederalka ah ee Soomaaliya, tartan adag oo ay galeen musharaxiin kor udhaafaya 20 ayey kasoo xusheen Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmajo oo si aqlabiyadleh uga guuleystey X.  Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud oo heleyna 184 cod.

Xaflad aad loo soo agaasimey oo kadhacydey Villa Soomaliya ayaa waxaa xilka kula wareegey Madaxweyne Farmajo taariikhdu markey ahayd 16 Feb 2017, waxaa xafladaas kasoo qeyb galay dowlado farabadan oo ay ugu horeeyaan wadamada dariska la’ah Soomaaliya.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida ayaa aad usoo dhoweeyey doorashada Madaxweyne Farmajo, waxaa dal iyo dibadba isqabsadey isu soo baxyo iyo xaflado lagusoo dhoweynayo madaxweynaha cusub, waxaa dal iyo dibadba caan ka noqotey oraahdii “AR FARMAJO II GEEYA” oo Cabdulahi Maxamud Cismaan uu alifey taasoo baraha bulshada la isla dhexmarey muddo badan aakhirkiina ajaanib ay isticmaaleen sida link hoose ka kamuuqda.

Madaxweyne Farmajo wuxuu Ra’iisul wasare usoo xushey Mudane Xassan Cali Kheyre taariikhdu markey ahayd 23 Feb 2017 oo isaguna wuxuu soo dhisey xukuumad aad loo soo wada dhoweeyey taarikhd 21 March 2017 taasoo kor usii qaadey rajadii ummada Soomaaliyeed.

Muddada yar ee ay jirtey Dowlada Ra’iisul wasare Kheyre ayaa waxaa dhacdey 3 May 2017 in afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya lagu diley Wasiirkii Howlaha Guud iyo Guriyeynta AUN marxuum Cabbaas Shiikh Cabdulahi Siraaji oo ahaa wiil dhalinyar, firfircoon aqoontiisuna aad usareyso, wakhtigaas Madaxweyne Farmajo wuxuu booqasho ku joogey dalka Itoobiya walow madaxweynuhu uu soo gaabiyey safarkiisii.

Madaxweyne Farmajo ayaa digreeto Madaxweyne wuxuu ku magacaabay Agaasimaha Madaxtoyada Soomaaliya taariikhdu markey ahayd  31 May 2017, waxaana loo magacaabey Fahad Yaasiin oo ah aqoon yahan doorweyn kulaha guushii Madaxweyne Farmajo .

Guulihii Dowladu Gaartey 2017

  • 8 February 2017 waxaa Madaxweyne loo doortey Maxamed Cabdulahi Farmajo
  • 23 February 2017 waxaa R’iisul wasaare loo magacaabey Xasan Cali Kheyre
  • 21 March 2017 Waxaa la dhisey goloha wasiirada Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya taasoo aad loosoo wada dhoweeyey marka laga reebo shakhsiyaad iska dhexwaayay liiska.
  • 1 April 2017 Xildhibaanada aqalka hoose ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyey xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre
  • 10 May 2017 Shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada London ee Caasimadda Britain kaasoo qodobo muhiim u ah dowladda Federaalka Soomaaliya laga soo saarey.
  • 29 March Waxaa la furey duulimaadyadii sida toos ka ah isaga kala gooshi jirey Muqdisho Nairobi
  • 7 June 2017 Waxay dowladu door dhexdhexaad ah ka qaadatey khilaafkii soo kala dhex galay dowlaada Khaliijka taasoo xurguf siyaasadeed ka dhex abuurtey gudaha Soomaaliya
  • 13 August 2017 Waxaa gacanta Dowlada soo galay  Afhayeenkii hore ee ururka Alshaab Sh. Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur.
  • 20 Aug 2017 go’aan ka qaadashadii daminta xasaradihii ka aloosnaa Mamulka Hirshabelle taasoo aakhirkiina loo dhisey maamul goboleed fadhiya
  • 30 Sept 2017 waxaa ladaah furey Saldhiga Turkigu ka hirgaliyey magalada Muqdisho kaasoo lagu tababari doono ciidanka xooga dalka Soomaaliya
  • 12 Oct 2017 Waxaa Dowlada Federaalku ku guuleysatey daminta xiisadii siyaasadeed ee soo kala dhexgashey maamul goboleedyada iyo Dowlada federalka ah .
  • 5 Nov 2017 waxaa shir 10 cisho ka socdey villa Soomaaliya lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho kaasoo qodobo muhiim ah looga hadley balse aan wax xal ah looga gaarin arintii Khaliijka.
  • 6 Dec 2017 Hirgalinta hishiiskii maamulka Galmudug iyo Ehlu Sunna ee gobolada dhexe
  • 7 ilaa 24 January 2017 Maxadweyne Farmajo wuxuu safar kukala bixiyey gobolada dalka gaar ahaan Puntland iyo Galmudug isagoo soo dhagax dhigey mashaariic farabadan, sidoo kalana kaqeyb galay wada hadaladii udhexeeyey Galmudug iyo Ehlu Sunna ee ka dhacay caasumadda Maamalka Galmudug ee Dhuusomareeb gobolka Galgaduud.
  • Dowladu waxay ku guuleysatay in ay si nadaamsan ay u bixiso mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada oo xuquuqdooda helay xiligii loogu tala galay.

Caqabadihii ka horyimid Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya 2017

  • 3 May 2017 waxaa xilli habeyn ah lagu diley afaafka hore ee madaxtoyada Soomaaliya wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Guriyeynta AUN Marxuum Cabaas SH. Cabdulahi Siraaji waxaana diley askari ka tirsan ilaalada Hanti dhowrihii guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale.
  • 14 August 2017 waxaa magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska Zoobe kadhacay qaraxii lagu hobtey ee dadbadan oo rayid ah ku dhinteen.
  • 16 August 2017 Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood ayaa si adag uga horyimid go’aankii dowlada federalka ah ay ka qaadatey dhexdhexaadnimada xasaradihi ka aloosnaa wadamada Khaliijka Carabta.
  • 25 August 2017 Ciidamo Mareykan ah iyo Kuwa Soomaaliya ayaa weerar ka fuliyey deegaanka Bariire waxaana ku dhintey 10 qof, taasoo dhalisey xiisad dowladu kala kulantey siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda deegaankaas.
  • 29 August 2017 Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugacan galisey Dowlada Itoobiya Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbidhagax taasoo dowladu ku kasbatey dhaleeceyn badan oo uga timid Shacabka, Siyaasiyiinta dowlada Mucaarad ku ah, mu’ayidb iyo hay’adaha xuquuqul insaanka.
  • 26 Sept 2017 Waxaa Dowlada lagu eedeeyey qalalaase siyaasadeed ee kadhex qarxey maamulka Galmudug
  • 11 Oct 2017 waxaa shir lagusoo gabagabeeyey magaalada Kismayo ee Caasimadda Maamulka Jubbaland lagu sheegey Isbahaysi ka dhan ah dowlada Federalka ah ee Soomaaliya kaasoo walaac weyn uu ka dhashey.
  • 12 October 217 Wasiirkii Gaashaandhiga iyo Taliyihii Ciidanka Xooga dalka ayaa iscasiley habacsanaan xaga amniga ah awgeed, maalmo yar kadibna waxaaba dhacay musiibadii qaraxii isgoyska ZOOBE.
  • 29 October 2017 Wasiirada Xukuumada Federalka ah ee Soomaaliya ayaa xilalkii ka xayuubisey Agaasimihii Hay’ada Nabadsugidda Soomaaliya Cabdulahi Maxamed Cali Sanbololshe iyo Taliyihii Booliska Soomaaliyeed  Cabdikariin Daahir Saacid
  • 15 November 2017 Waxaa xilkii wasiirnimo iska casishey Dr.Maryan Qaasin oo ahayd Wasiirada Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka
  • 14 December 2017 Qarax xoogan ayaa kadhaxay xerada tababarka ee jeneral Kaahiyo ciidanka oo saf kujira.
  • 17 December 2017 Waxaa goor habeyn ah laweerarey guriga siyaasi Cabdirixmaan Cabdishakuur taasoo dowladu kala kulantey dhaleeceyn iyo mucaaradad adag.
  • 30 December 2017 Ciidamo hubeysan ayaa gudaha ugalay guriga Senetor Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid falkaaso oo dowladu uga jawaabey xarig loogeystey ciidankii iyo taliyihii watey.

Safaradii uu dalka uga baxay Madaxweyne Farmajo Sanadkii uu Xilka hayay.

Tiro Dalkuu Usafrey Taariikhda Safarka Taariikhda Soo noqoshada Inta maalmood uu ku maqnaa
1 Sucuudiga 23 Feb 2017 26 Feb 2017 3 Maalmood
2 Kenya 22 March 2017 24 March 2017 2 Maalmood
3 Urdun 29 March 2017 31 March 2017 2 Maalmood
4 Imaaraadka 10 April 2017 13 April 2017 3 Maa