Daawo: Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dastuurka Soomaaliya oo Garoowe soo gaaray.

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dastuurka Soomaaliya, Avv. Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ay ku jiraan xubno ka socda Guddiga la socodka Arrimaha Dastuurka Baarlamanka Soomaaliya iyo Guddiga madaxa-bannaan ee dib u-eegista Dastuurka ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasumadda Puntland.

Wasiir Xoosh iyo wefdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee Kanooko ku soo dhoweeyay Wasiirka Dastuurka dowladda Puntland Mudane. Cabdifitaax Siciid Caynab iyo wasiiro kale oo ay ku jiraan Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaha,Cabdiraxmaan Sheekh Axmed Cabdulle iyo Af-hayeenka Xukuumadda ahna wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Xiriirka Golayaasha,Cabdullaahi Maxammed Jaamac Qur’aan jecel iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Golayaasha xukuumadda Puntland.

Ujeedka socdaalka wefdigaan uu hoggaaminayo Wasiir Xoosh ayaa ku qotoma shir ku saabsan geeddi-socodka dib u-eegista iyo turxaan bixinta Dastuurka oo maalinta berri ka furmaya magaalada Garoowe sida qorshuhu yahay. Shirka ayaa si gaar ah loogu lafa-guraya tubta loo marayo dib u eegista Dastuurka Soomaaliya,sida uu sheegay Wasiirk Xoosh.

Halkaan ka daawo soo dhoweynta iyo shirka Jaraa’id

PUNTLAND POST