Beesha Madhibaan ee Puntland oo bayaan ka soo saartay hadalo ka soo baxay Jigjiga

Iyadoo maalmihii u danbeeyay ay magaalada Garowe ka socdeen shirar is daba joog ah oo ay lahaayeen qaybaha kala duwan ee bulshada beesha Madhibaan ee ku dhaqan deegaanada Puntland ayna kaga tashanayeen masiirkooda iyo qorshayaasha dhanka horumarka ee ay beeshu ku tallaabsatay muddooyinkii lasoo dhaafay, isla markaana lagu gorfaynayay shirarkaas sidii ay beeshu tallaabo cad oo aan turxaan lahayn uga qaadan lahayd hadal xanaf iyo xasaasiyad abuuraya oo kasoo baxay shirar is daba joog ahaa oo dhowaan ka dhacay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya (DDSI).

Shirkan ay qaybaha kala duwan ee bulshada Beesha Madhibaan ku yeesheen Caasimadda Garoowe ayaa wuxuu daba socdaa shirarkii ay kaga tashanayeen masiirkooda, waxayna beeshu cadaysay in aysan aqbali doonin tallaabo kasta oo lagu curyaaminayo dadnimada iyo jiritaanka beesha.

Hoos ka akhriso bayaanka beesha Madhibaan ee Puntland


PUNTLAND POST