Shirkado ka socda Dalka Shiinaha oo lagala hadlay Horumarinta Caasimadda Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir, ahna duqa Muqdisho, C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Dowladda Shiinaha oo ka mid yihiin shirkado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka.

Wafdiga iyo Maamulka Muqdisho ayaa isla soo qaaday sidii caasimadda dalka ay ula tartami lahayd Caasimadaha kale ee Dunida, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta nalalka haga gaadiidka ee samaa-falaha, Soolarro casri ah iyo bulaacadaha.

Guddoomiye Yariisow ayaa sheegay in kulankan uu yahay mid looga xaajoonayo sidii magaalada Muqdisho ay u heli lahayd maalgashi iyo horumarin ballaaran, si ay tartan ula gasho caasimadaha dalalka kale ee caalamka. Isagoo tilmaamay in ay ka wada hadleen wax yaabaha mudnaanta gaarka ah ay siinayaan, dhankoodana balan qaadeen wax walba oo macquul ah in ay nagala shaqeynayaan.

“Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii Caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta Nalalka haga gaadiidka ee Samaafalaha, Soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha,”. ayuu yiri Yariisow.

Ugu dambeyn, Madaxa Waaxda Cilmi baarista iyo muxudadaadka dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada Muqdisho ay u baahan tahay horumarin ballaaran in lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta Caasimadaha. Waxana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan.

 

PUNTLAND POST