Ciidamada difaaca dowladda Puntland ee gobolka Bari ayaa burburiyey shabakad ka tirsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaadday degaanka Sugurre oo galbeed ka xiga magaalada Boosaaso.
Sarkaal ka tirsan ciidamada Daraawiishta dowladda Puntland oo ku sugan degaanka Sugurre ayaa PUNTLAND POST u sheegay in saddex ka tirsan Al-shabaab lagu dilay weerarka oo dhacay fiidnimadii xalay,intii kalena kala firxatay.
Sarkaalka oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in ilaa 10 dagaallame oo ka tirsan Al-shabaab oo weerarka soo qaaday ay noqdeen wax dhintay iyo wax cararay,isagoo xusay in ay saaka arkeen dhiig badan oo wadada daadsan,taasoo ay u malaynayan rag dhaawac qaba oo cararay.
Dhinaca kale qaar kamid ah dadka degaanka oo PUNTLAND POST hadlay ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay u soo bandhigeen maydadka saddex ruux oo aad u goo’go’ay,kuwaasoo ay ku sheegeen dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay weerarkii xalay.
Wixii ka soo kordha kala soco:Puntlandpost.net