Aragtida dadweynaha Puntland xiisadda ka jirta Gobolka Sool.

Qaar ka mid ah dadka ku nool gudaha iyo dibada oo lasoo hadlay Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa ka hadlay aragtida ay ka qabaan xiisada u dhaxaysa Maamulladda Puntland iyo Somaliland ka dib qabsashadii 08 Janaury 2018 deegaanka Tukoraq ee Gobolka Sool.

Dadka la hadlay PUNTLAND POST oo ku kala fikir duwan xiisada ka taagan deegaanka Tukoraq oo ay iminka isku horfadhiyaan labo ciidan oo xilli kasta la filan karo dagaal ka dhex qarxa ayaa badankood ku dhaliilay Xukuumadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas dayac iyo siyaasad xumo kaga aadan muranka ka jira Sool,Sanaag iyo Cayn.

Ra,iyi uruurinta oo noqonaysa middi ugu horeysay tan iyo intii ka dambeysay markii ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland la wareegeen deegaanka Tukoraq ayaa u dhacday sida aad ka daawan doontaan muuqaalka hoose.

Daawo.

Abshir Dhirane

PUNTLAND POST