MUQDISHO: Shil diyaaradeed oo Maanta ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde


Muqdisho (PP) ─
Garoonka Diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho, ayaa waxaa goor-dhaw ka dhacay shil-diyaaradeed oo aan sababin wax khasaare nafeed ah, sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan garoonka.

Shilkan ayaa yimid, kaddib markii diyaarad ay leedahay Midowga Yurub oo dagaysay ay ku dhacday diyaarad rakaab oo horay garoonka u fadhiday, waxaana diyaaradaha soo gaaray dhaawacyo.

Diyaarada shilka gashay ayaa doonaysay inay baakin gasho, iyadoo diyaarad kale ugu tagtay halkii ay fadhiday, iyadoo Sawirro laga soo qaaday shilkaan diyaaradeed ay muujinayaan in baal ka mid ah baalasha diyaarada uu si xun u bur-buray.

Wararka ayaa intaas ku daraya in diyaarada fadhiday garoonka Muqdisho ee lagu dhacay ay lahayd shirkad lagu magacaabo Galeyr oo sameysa safarada gudaha dalka, xilliga uu shilku dhacayayna waxay doonaysay inay rakaab ka qaaddo garoonka.

Ugu dambeyn, labada diyaaradood ee shilka galay ayaa waxaa ka daatay shidaal badan oo ku jiray, kaasoo daadsan gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Adde ee Magaalada Muqdisho.



PUNTLAND POST