PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Madaxweyne Farmaajo oo markii ugu horeysay safar ku tagaya Puntland

Share

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa safarkiisii ugu horeyay ee tan iyo markii uu madaxweynaha noqday Maalinta Bari oo Axad ah ku tagaya Magaalada Garoowe.

Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xariga ka jari doono garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe halkaasi oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.

Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qaybgali doono Sanadguuradii 4-aad ee ka soo wareegatay Markii uu Madaxweyne Gaas ku guuleeystay madaxweynaha Puntland oo 8-da Bishaan ka dhaceeysa Garoowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu u safri doonaa Magaalada Qardho halkaasi uu kula kulmi doono Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Madaxweynaha ayaa sida qorshahu yahay waxa uu safarkiisa ku soo gaba gabeeyn doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

Qaban qaabada Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa si aad ah looga dareemayaa Deegaanada Puntland waxaana sawirka madaxweynaha lagu xardhay magaalooyinka Puntland.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

1 comment

  1. Anigu waxaan u arkaa shaqsiyan mid aanan wax weeyn soo kordhinayn waayo uma arko in uu aaminsan yahay jiritaanka puntland mid awood sii jiraysa leh ama mudan tix galin iyo maamuus taas waxaa u leeyahay madaxweeynuhu in uu puntland tago wuxuu ka hormariyay wadamada dariska ah oo uu qaarkood tagay labo jeer sida kenya oo kale, kismayo wuu tagay, hiiraan iyo koonfur galbeedba?
    In uu intuu puntland yimaado amaano aniga macno weeyn iima sameeynayso balse waanu arki doonaa maalmaha soo socda iyo hadii uu wax mashaariic ah wado?

Leave a Reply