TRUMP: Waxyaabaha ku qoran buugga la iga qoray waa kuwo dhaawac ku ah maamulkeyga

Washington (PP) ─ Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in buugga laga qoray ay ku jiraan eedo dhaawacaya maamulkiisa uuna yahay “mid been ah”.

Buugga waxaa diyaariyay Steve Bannon, oo ahaan jiray kaaliyihii istiraatiijiyadda Aqalka Cad, wuxuuna qeexayaa in “la kullankii koox Ruushka ka socotay oo wiilka Trump uu fadhiyay” uu ahaa “khiyaano”.

Buugga wuxuu sidoo kale sharaxayaa in Trump ay amakaag iyo fajac ku noqotay in uu ku guuleystay xilka madaxweynaha.

Qareennada Trump waxay ku dadaaleen in ay hor istaagaan daabacaadda buugga oo Aqalka Cad uu aad uga careysan yahay: Waxaa loogu maagacdaray Gudaha Aqalka Cad ee Trump, waxaana qoray Michael Wolff. Buugga ayaa hadda la iibinayaa.

Maxaa buugga ku qoran?

  • Buugga oo la yiraahdo Fire and Fury: Inside the Trump White House, waxaa ku qoran arrimo aad xaasaasi u ah sida:
  • In Bannon uu aaminsan yahay in kulan dhex maray Donald Trump Jr iyo koox Ruush ah uu ahaa “khiyaano qaran”.
  • In kooxda Trump ay ka naxeen oo ka anfariireen guushii uu ka gaaray doorashada.
  • In xaaskiisa, Melania, ay ilmaysay habeenkii doorashada.
  • In Mr Trump uu ka xanaaqsanaa in xiddigaha caanka ka ah Maraykanka ay caleemasaarkiisa ka maqnaayeen.
  • In Aqalka cad uu yahay “meel laga welwelo ama xataa laga yara baqo”.
  • In gabadhiisa, Ivanka, ay iyada iyo ninkeeda Jared Kushner qorshaynayeen inay noqoto “marwada 1aad ee madaxweynaha”.

Waxaa la sheegay in buugga uu ka kooban yahay illaa 200 oo wareysiyo, laakiin qaar ka mid ah ayaa la dhalleeceeyay waxaana la geliyay su’aal.

 

Balse, haddii xitaa bar ka mid ah buugga uu run yahay, waxay sawir ka bixineysaa muuqaalka xun “ee nacasnimada madaxweynaha iyo Aqalka Cad oo isku qasan”, sida uu sheegay tafatiraha BBC ee Waqooyiga Amerika, Jon Sopel.

Kullanka la sheegay in Ruushka lala yeeshay oo uu ka qeybgalay wiilka curadka u ah Trump, waxaa baaritaan ku haya guddi gaar ah oo uu hoggaaminayo Robert Mueller, kaas oo eegaya xiriirkii ka dhexeeyay kooxdii ololaha u qaabilsanayd Trump iyo Ruushka iyo kaalintii uu ku lahaa guushiisii madaxtinimo.

Madaxweyne Trump ayaa si adag u diiday eedahaasi iyo in ay dheceen kulamo noocaas ah.

Sidee looga fal-celiyay buugga?

Mr Trump wuxuu sheegay in uusan Mr Wollf u ogolaan in uu Aqalka Cad gudaha ugalo, uusanna kala hadlin buugga oo uu ku tilmaamay “mid ay ka buuxaan been iyo wakiillo iyo marqaatiyo aan jirin”.

Wuxuu sheegay Trump in Mr Bannon – oo shaqada laga tiray bishii August – uu “caqliga ka tagay” ka dib markii uu waayay xilkiisii Aqalka Cad.

Balse Mr Bannon oo ka jawaabay eedda madaxweynaha wuxuu sheegay in uu yahay “nin wanaagsan” uuna taageeray Trump “Habeen iyo maalin”.

Mr Trump oo Khamiistii la weydiiyay in ninkii u qaabilsanaa istiraatiijiyadda uu khayaanay wuxuu ku jawaabay: “Ma garanayo, wuxuu igu tilmaamay nin fiican xalay, marka waxaa iska cad in si degdeg ah uu maskaxdiisa u badalay.”

Xubin ka tirsan Jamhuuriga Rebekah Mercer, oo sidoo kale ay isla shaqeeyeen Mr Bannon ayaa dhankeeda buugga cambaareysay.

  • Afhayeen u hadlay Melania Trump wuxuu sheegay in ay saygeeda ku dhiiragelisay tartanka xilka madaxweynaha, ayna ku faraxsan tahay in uu ku guuleystay
  • Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders, wax kama jiraan ayey ka soo qaaday buugga oo ay ku tilmaamtay “sheeko mala awaal ah” oo laga buuxiyay “been iyo marin habaabin”.
  • Khamiistii, Maamulka Aqalka Cad wuxuu sheegay in uu dhanka Galbeedka ee dhismaha laga mamnuucay qalabka dadka ay sitaan sida mobile-lada oo ay sheegeen in amni xumo ay sababeen.

Xigasho: BBC

PUNTLAND POST