Madaxweyne Farmaajo oo Maanta Saxiixaya Miisaaniyada Dowlada 2018-ka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixaya Miisaaniyada Dowlada.

Miisaaniyadaan ayaa waxaa si wadajir ah u Ansixiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka aqalka hoose iyo Aqalka Sare.

Miisaaniyadda sanadkaan ayaa gaareysa $274,640,191 Doollar (labo boqol iyo toddobaadan iyo afar Milyan, lix boqol iyo afartan kun, boqol iyo sagaashan kow dollar).

Gudoomiyaha Aqalka sare ee Dalka Mudane Cabdi Xaashi C/laahi Ayaa shalay sheegay in Madaxweynaha uu isaga u geeyn doono si uu u saxiixo.

Munaasabad lagu saxiixayo Miisaaniyada dowlada ayaa lagu wadaa in ay ka dhacdo xarunta madaxtooyad Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho