Madaxwaynaha Puntland oo Kormeeray Xarumaha Dawladda, Wadooyina Xarigga Ka Jaray Magaalada Gaalkacayo

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 December 2017  kormeeray xarumaha dawladda ee magaalada Gaalkacayo , isla mar ahaantaana  xarigga ka jaray  sadex waddo oo laami ah iyo dhismaha bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacayo.

Madaxweynaha ayaa waxaa xadhig jarka waddooyinkaasi iyo dhismaha bangiga dhexe ku wehelinaayey guddooyimaha gobolka Mudug, duqa degmada Gaalkacayo, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland iyo masuuliyiin kale.

Waddooyinka muhiim ka ah ee Madaxweynuhu xadhigga ka jaray ayaa waxaa kamidda ahaa waddada Cumar Dheere oo dhererkeedu yahay  1km iyo 140m [ Hal kiloo mitir iyo bogol iyo afartan miter] , waddada Xero-dayaxay oo dherer keedu yahay 200m[ laba boqol oo Miter], iyo waddada Gaadda Yare oo iyana dherer keedu yahay 2km [laba Kilo Miter ].

Madaxweynaha oo ka hadlay waddooyin kaasi uu xadhigga ka jaray ee halbowlaha u ah magaalada Gaalkacayo ayaa sheegay in ay waddooyin kani muhiim u yihiin bilicda iyo horumarka magaalada, waxaana uu mahad balaadhan u jeediyey hawlwadeenada degmada Gaalkacayo oo iyagu hirgeliyey dhismaha waddooyin kani.

“Waxaan ku faraxsan-nahay inaan xadhigga ka jarno waddoyinkan muhiim ka ah ee ay yeelatay magaalada Gaalkacayo, waana ku mahadsan yihiin hawl wadeenada degmadu hirgelinta waddooyin kani, saan sheegnayna dabcan waxay wax ka bedelayaan bilicda, horumarka iyo amaanka magaalada madaama ay tahay magaalo furan oo shiddo badani ay ka jirtey, inay heshaa jidad wanaagsan waa wax wanaagsan, waxaanna loo baahan yahay in jidadad kaasi la geliyo  nal si habeen iyo maalin ay shacabku ugu ganacsadaan” ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa soo kormeeray dhismaha cisbitaalka weyn ee magalada Gaalkacayo oo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah, dhismaha suuqa xero dayax, xarunta Wasaaradaa Ganacsiga, iyo xarunta Wasaaradda kaluumaysiga oo dhismaheedu heer gebo-gebo ah marayo.

Madaxwaynaha dawladda Puntland ayaa maanta intii uu ku guda jiray kormeerkiisa shaqo  waxa uu xadhigga ka jaray dhismaha cusub ee bangigaga dhexe ee magaalada gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Dhinaca kale Madaxweynaha dawladda Puntland  ayaa soo  kormeeray xarunta cusub ee Madaxtooyada magaalada Gaalkacayo oo dhismeheedu si xawli ah u socdo loona dhisayo si casri ah taasi oo ka kooban xafiisyo,deegaan iyo  hoolalka shirarka, waxaana dhismeheeda lasoo gebagebayndoonaa bish Labaad ee sanada 2018, Madaxweynaha oo ka hadlaya muhiimadda ay leedahay dhismaha Madaxtooyadu iyo mashaariicda waaweyn ee dawladdu ka hirgelisey magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa uu yidhi.

“Waxaan nimi madaxtooyada Magaalada Gaalkacayo waxay kamid tahy mashiircada waawayn ee kasocota magaalada  Gaalkacayo kuwooda ugu muhiimsan, waxaan kale oo soo booqanay meelo kale aa ay kamid tahay rexo dayax oo ah meeshii aan kadhisnay suuqii waynaa ee Gaalkacayo, waxaan soo marnay dhismihii waynaa e cisbitaalka oo socda, waxaan kale oo soo marnay bangigii oo shaqa fiican ay ka socto oo meel fiican maraya” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

“waxaan kale oo soo marnay wadooyin badan oo aan xariga kasoo jarnay, kuwo kalena waan hirgelin-doona inashaa Alla, waxaa kale oo kamid ah mashruuciida waa weyn eeaan ka hirgeliney magaalada dhsimaha Wasaaradda kalluumaysiga iyo hay’adda jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Maaliyadda waxaas oo dhan waxay ahaayeen mashaariicdii aan kafulinay gobolkan iyo kuwo kale oo tira badan oo aanan soo koobi karin”. ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

Ugu danbayn, Madaweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqay Islaam Bashiir Islaan Cabdulle, waxaana ay yeesheen Madaxweynaha iyo Islaanku kulan gaar ah oo qaatay wakhti kooban.