Madaxweynaha Jubbaland oo ku baaqay in si dhab ah loola xisaabtamo Ciidamada AMISOM

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlayay shirka amniga Somalia oo ay ka qayb-galayaan dalalka tageera Sooamaliya, ayaa su’aal adag ka keenay sababaha ururka Al-shabaab looga saari la’yahay deegaannada ay kaga sugan yihiin Somalia.

Axmed Madoobe ayaa hadal uu ka jeediyay shirka ku sheegay in loo bahan yahay in la sameeyo daba-gal dhab ah iyo isla-xisaabtan la xiriira sababaha ururka Al-shabaab looga saari la’yahay deegaannada ay wali joogan, iyadoo lacag gaaraysa boqollaal milyan oo Doollar lagu bixiyo hawl-galka AMISOM, taas badalkeedana aanay si joogta ah mushaarka u helin ciidanka Somalia.

Sidoo kale, Madoobe wuxuu xusay in beesha Caalamka looga baahan yahay in ciidamada AMISOM ay kula xisaabtamaan dhaqaalaha faraha badan ee ay ku bixiyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab, sidoo kalana DFS iyo maamul-goboleedyada looga bahan yahay inay ku xisaabtamaan in Somalia uusan weligii Ajnabi joogayn ee ay dhisaan ciidamada Qaranka.

Madaxweynaha Jubbaland, ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada Somalia oo kumannaaan askari ah aysan haysanin tasiilaadkii ku filaa iyo tababar toona, balse marka iyaga iyo AMISOM la isku geeyo ay ka badan yihiin kana awood weyn yihiin Al-shabaab.

Dhanka kale, Shirarka ayuu Madaxweynaha Jubaland ka sheegay in la joogo xilligii ficil loo badali lahaa, isla markana su’aalo la iska weydiin lahaa halka ay wax ka khaldan yihiin, iyadoo horay loo sii soconayo.

Ugu dambeyn, Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in hawl-galada wakhtigan la dar-dar-geliyo oo laga shaqeeyo sidii xilliga kooban ee AMISOM u haray uu u noqon lahaa mid laga faa’iidaysto, isla markana la da-dajiyo dhismaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

PUNTLAND POST