Madaxweynaha Puntland iyo Weftigii uu Hogaaminayey oo si diiran loogu soo dhoweeyey Muqdisho

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey ayaa maanta gelinkii danbe 02 December 2017 si diiran loogu soo dhoweyey magaalada Muqodisho.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Airport kusoo dhoweeyey Masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dawladda Fadaraalka Soomaaliya, aqoon-yahano, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale.

Ujeedka safarka Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa ahaa ka qayb galka shirka amniga heer qaran oo malinimada berito 03 December 2017 ka furmidoona magaalada Muqdisho ee caadimadda Soomaaliya, waxaana uu socondoonaa shirkaasi muddo labo maalmooda, sidoo kale Madaxweynaha iyo weftigiisa  ayaa ka qayb gelidoona shir ay muqdisho ku yeelan doonaan Madaxda qaranka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka kaas oo dhammaandoona isna 05 December 2017.

Shirka Amniga qaranka Soomaaliyeed ee Muqdisha ka furmidoona ayaa waxaa looga arrinsan doonaa arrimaha kala ah Amniga, nabdgelyada dalka, xasilinta dalka iyo wanaajinta geedi socodka dawladnimadda Soomaaliya, waxaana kasoo qayb gelidoona dhammaan Madaxda DFS iyo dawladdaha xubnaha ka ah DFS.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland meel kastay joogaanba inay illaashadaan nabadda, xasiloonida iyo horumarka ay ku naloonayaan.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.