Madaxeynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland oo ka koobna labada gole iyo Masuuliyiin kale ayaa waxaa garoonka Diyaaradah Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyaya Xildhibaano katirsan Baarlamaanka JSF iyo Masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid ka qayb galka shirka Amniga Qaranka oo dhawaan ka dhici doona Caasimada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in amaanka wadanku uu aad uga wanaagsan yahay sidii uu ahaa Sanado kahor isla markana ay rajo wanaagsan ka qabaan in la gaaro isku filnaansho dhinaca amniga ah.

Ciidamada Soomaaliya ayuu Madaxweynahu sheegay in duruufo adag ay ku shaqaynayaan taas oo jirtana ay wax badan oo juhdi ah galiyeen nabadgalyada wadanka.

Sidoo kale wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in shirka ay kasoo baxaan go’aamo horay usii dhaqaajiya rajada laga qabo  in Soomaaliya ay amaankeeda hanato isla markana la isku duba rido Ciidamada Qaranka.

PUNTLAND POST