Bangiga Amal oo adeega keydka Caruurta ee Xuddun-xirka ku daahfurey Bosaso

Bosaso-[Puntland Post] Xaflad siweyn loo soo agaasimay oo ka dhacday Hoteelka Gacayte ee Magaaladda Bosaso, ayaa Maamulka Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag bari ku daahfurey adeega Keydka Caruurta ee “Xuddun-xirka”, adeegaan ayaa Bangigu u diyaariyey in waalidiinta ay Caruurtooda u  abuuraan Keyd maaliyadeed  iyaga oo yar-yar.

Daahfurka Adeega Cusub ayaa waxaa ka soo qeyb galay bulshada ku dhaqan degmada Bosaso qeybaheeda kala duwan.

Kulanka  ayaa waxaa ugu horeyntii  furey Madaxa Suuq-geynta Bangiga Amal ee Gobolka Sanaag Iyo Sanag bari Muuse Siciid Xasan, isagoo Faahfaahiyey adeega Xuddun-xirka iyo asal ahaan in kasoo jeedo dhaqanka Soomaaliyeed; iyadoo ilmaha loogu xuddun xirijiray neef xoola ah marka uu dhasho, hadana taas bedelkeeda uu ilmaha u baahanyahay in uu dareemo lahaansho, iyo in Bangiga ugu diyaariyey bulshada in adeegaan si caruurta looga keydsho wixii waalidka awoodiisa ah.

Sidoo kale waxaa  goobta ka hadlay Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Bari Dr. Maxamed Faahiye Ciise isagoo ku dhiiri geliyey in ay bulshada xafladda ka soo qeyb gashay in uga faa’iideyaan caruurta adeegaan, iyo in  Bangiga Amal bulshada dhankasta ka horumarinaayo, ujeedada Bangiga ugu weyn ay tahay bulsho dhaqaala ahaan lajaan qaadi karta bulshooyinka kale ee caalamka.

Dhammaadkii xafladda ayaa kasoo qeyb galayaashii xafladda waxay bilaabeen in ay u furaan caruurtooda adeega keydka caruurta iyadoo ugu yaraan 30 caruur ah loogu furay isla goobta xafladdu ka dhacday, iyadoo Bangiguna u balan qaaday in caruurta loogu  furay adeega keydka goobtaas uu koontadooda xisaabeed ugu shubi doono xisaabta ugu horeysa ee ilmaha loo keydin doono.

Ugu dambeytii wuxuu xafladda ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan.


Cabdiqani Boos 

Puntland Post-Bosaso