Bosaso-[Puntland Post]-Maamulka Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag bari ayaa kulankaan u qabtay dhalinyarada Gobolka bari, kulankaan oo ahaa kulan fagaare ka hadal ah ayaa waxaa cinwaan looga dhigay” Sirta Ay Hantiilayaashu Ku Hodmeen”, mowdcaan oo uu soo jeediyey tababare Cabdifatah Maxamud Ducaale “Cajab” madaxa xiriirka Bangiga Amal.
Kulankaan ayaa waxa ka soo qeyb galay kudhowaad Labo Boqol oo dhalinyaro ah oo ka kala socday; ururada dhalinyarada ee kala duwan, Jamaacadaha, Macaahidda iyo hayado kale.
Kulanka oo ka dhacay Hotelka Gacayte ee magaalada Bosaso ayaa waxaa ugu horeyn furey Madaxa Suuq-geynta Bangiga Amal ee Gobolka Sanaag Iyo Sanag bariMuuse Siciid Xasan, isagoo Faahfaahiyey ujeedad Kulanka oo aheyd kulan dhiiri gelineed oo dhalinyarada lagu barayey Habka maamulka dhaqaalaha iyo hal-abuurka ganacsi Waxa afka qalaad lagu yiraahdo (Financial literacy and entrepreneurship).
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Maamulaha Bangiga Amal ee Gobolka Bari iyo Sanaag Bari Dr. Maxamed Faahiye Ciise isagoo ku dhiiri geliyey in ay dhalinta ka faa’iideystaan tababarkaan, kana hadlay sida Bangiga Amal uga go’antahay in uu bulshada horumarinteeda qeyb weyn ka qaato.
Uga dambeyntii kulanka ayaa waxaa si rasmi ah usoo xiray Madaxa horumarinta ganacsiga bangiga Amal Jama Ciise Maxamud, asagoo ku amaanay dhalinyarada kulanka ka soo qeyb-gashay sida ay ugu dedaalayaan in ay horumariyaan aqoontooda iyo in bangiga sidii wadi doono kulamada kala duwan ee bulshada lagu horumarinayo..
Ugu dambeytii wuxuu kulanku ku dhamaaday jawi wanaagsan.
Cabdiqani Boos
Puntland Post-Bosaso