Inta badan gobaladda Sanaag,Haylaan iyo Cayn oo aysan maanta ka qabsoomin doorashada Somaliland

Sida ay noo xaqiijiyeen dadka degaanka gobalada Sool,Sanaag, Cayn iyo Haylaan ayeysan maanta qaybo kamida ka qabsoomin doorashadii uu ugu tala galay maamulka Somaliland, halka qaar kalena la geeyey sanaadiiqda doorashada ayna codayntu ka socoto.

Magaalooyinka waaweyn ee Gobalada Sanaag, Haylaan iyo Cayn ayaan maanta intooda badan la geyn sanaadiiqda doorashada markii ay halkaasi gaareen ciidamo katirsan Puntland iyo wafuud kala duwan, magaalooyinka aan laga codayn waxaa kamida Badhan, Laasqoray, Dhahar, Xingalool, Buuhoodle, Boocame iyo degaano kale oo hoos taga gobaladaas.

Xagee maanta ka socotaa Doorashada Somaliland?

Inta badan Gobalka Sool maanta waxaa si caadiya uga socota doorashada Somaliland waxaana kamida degaanada ay maanta dadku codadka ka dhiibanayaan Laascaanood, Taleex, Xudun iyo degaano kale, dhanka gobalka Cayn waxay doorashadu ka socotaa degmooyinka Ceegaag iyo Widh-Widh.

Xaalada nabad gelyo

Illaa hada lagama soo sheegin doorashada Somaliland guud ahaan wax shaqaaqo ah, mana jirto xiisadii dagaal ee laga baqaayey inay ka qaraxdo gobalada Sool,Sanaag, Cayn iyo Haylaan oo maalmihii u danbeeyey ay ciidamo geynaayeen Puntland iyo Somaliland, iyagoo dhan kalena hanjabaado hawada isku marinaayey.

Isku soo wada duubo dadka ku dhaqan gobalada la isku yiraahdo SSC ayaa intooda badan ogolayn kamid ahaanshaha Somaliland walow qaybo kamida oo ay kamid tahay magaalada ugu weyn ee Laascaanood ay Somaliland gacanta ku haysay 10-kii sano ee ugu danbaysay.

Faah-faahinta Doorashada Madaxtinimada Somaliland kala soco PUNTLAND POST